Taariikhda Colaadeed ee Intermilan iyo Juventus

0
Sunday January 26, 2014 - 09:53:08 in Sports by Web Admin
  • Visits: 3679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Colaadeed ee Intermilan iyo Juventus

    Hadda ka hor ayay isku dhaceen haatan sidii oo kale ayay u socdaan, laakiin Juventus iyo Inter ayaa haatan maraya waqti kale oo adag oo ku saleysan xiriirkooda aan cagaha badan ku taagneyn ka dib markii isbuucaan uu burburay heshiiskii ay isku dhaafs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadda ka hor ayay isku dhaceen haatan sidii oo kale ayay u socdaan, laakiin Juventus iyo Inter ayaa haatan maraya waqti kale oo adag oo ku saleysan xiriirkooda aan cagaha badan ku taagneyn ka dib markii isbuucaan uu burburay heshiiskii ay isku dhaafsan lahaayeen Mirko Vucinic iyo Fredy Guarin. Iyadoo heshiis meel la isla dhigay islamarkaana lagu dhow yahay in lagu dhawaaqo, madaxweynaha Inter Erick Thohir ayaa daqiiqadii ugu danbeysay heshiiska ka baxay isagoo Gaurin ku celiyay Nerazzurri halka uu Vucinic u dhaafay inuu ku sii negaado Vinovo.

Thohir ayaa sheegtay in sababo farsamo iyo dhaqaale darteed ay heshiiska uga baxeen iyadoo lagu xamanayay inuu su’aal ka keenay fayowqabka Vucinic taasoo keentay carada wakiilka ciyaaryahanka iyo agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta kaasoo weerar ku qaaday Thohir iyo Inter shirkiisii jaraa’id ee arbacadii.

Ma ahan wax cusub in labadaan kooxood ay xiriirka kala goostaan. Waxa ay isku ahaayeen cadow kuwa isagu xun tan iyo 1961dii markaasoo xiriirka kubada cagta Italy ee FIGC ay guul 2-0 siiyeen Inter kulanka Derby d’Italia ka dib markii taageerayaal ay ku soo duuleen garoonkii Turin, laakiin xiriirka ayaa ka laabtay go’aankaas wax yar ka hor inta uusan xilli ciyaareedka dhamaan taasoo keentay in horyaalka uu gacanta u galo Juventus iyadoo lagu xamanayay in go’aankaas uu saameyn ku lahaa madaxii Bianconeri Umberto Agnelli.

Kulankii ku celiska ahaa waa la ciyaaray, laakiin madaxweynihii waqtigaas ee Inter Angelo Moratti ayaa ku amray tababare Helenio Herrera inuu safo ciyaartoydiisa akadeemiga, taasoo keentay in Juventus ay ku badiso 9-1.

361251_hpXiriirka ayaa si tartartiib ah u soo hagaagayay muddo sannado ah ilaa iyo 1998dii markaasoo dhacdo kale oo caan ah ay ka dhacday garoonka Stadio delle Alpi. Qalad uu Mark Iuliano ku galay Ronaldo xerada ganaaxa dhexdeeda ayaan la dhigin iyadoo 20 ilbiriqsi ka dib uu Taribo West dhulka dhigay Alessandro Del Piero isagoo xerada ganaaxa ku dhex jira. Inkastoo Del Piero rigoorada qasaariyay hadana Juve ayaa 1-0 ku badisay taasoo muhim u aheyd tartanka horyaalka.

Ka dib dabcan waxaa jiray fadeexadii weyneyd ee Calciopoli ee dhacay 2006dii. Juventus ayaa loo celiyay Serie B, waxa ay ku bilowdeen iyadoo 9 dhibcood lagu leeyahay waxaana laga qaaday labo horyaal, iyadoo lagu eedeynayay inay ku xadgudbeen sharciyada isboortiga oo ay xiriir la sameeyeen garsoorayaal iyo madax kale kulamada ka hor.

Si kastaba, kooxda Turin ka dhisan ayaa ilaa iyo maantadan ku adkeysatay in Inter ay ka danbeysay cajaladihii la duubay taasoo banaanka soo dhigtay eedeymaha lagu heystay halka ay sidoo kale ku eedeeyaan in Inter lafteeda ay sidaasi sameysay. Kiiskooda ayaana u muuqday mid taageero helay xukun dhacay 2011 laakiin eedeymaha iyo jawaabcelintooda ayaa noqon doona kuwa abid socon doona madaama kiiskii Calciopoli la xiray.

Laakiin cadowtooyo mar walba waa halkeeda, heshiiskii sida qariibka ahaa u burburay ee labada dhinac ayaa keentay in agaasimaha Juventus Marotta uu ku eedeeyay Thohir inuu yahay nin ixtiraamdaran oo aan daacad aheyn.

"Inter waxa ay na weydiisatay ogolaansho ay Vucinic kula hadasho bartamihii December, waa markii ay wadahadalada bilowdeen” ayuu yiri Marotta.

"Markii ay inoo cadaatay inaysan jirin lacag la isweydaarsanayo waxaan ku fekernay heshiis ciyaartoy la isdhaafsanayo.”

Laga bilaabo markaas Inter waxa ay diyaar u aheyd heshiis iyadoo Guarin iyo Vucinic ay labo jiho kala aadayaan, laakiin taasi waxa ay soo dhamaatay daqiiqadii ugu danbeysay oo uu heshiiska ishortaagay madaxweynaha Inter Thohir.

Xiriirkooda Juventus kala dhaxeeyay ayaana mar kale noqday mid kala daata.

"Haddii mustaqbalka ay jiri doonaan wax wada xaajood ah oo ina dhexmara, Thohir waa inuu marka hore sharaxaad siiyo madaxweyne Andrea Agnelli.” ayuu yiri Marotta.

"Laakiin haatan si fiican ayaa u ogaatay in heshiis lala galaa ay cabaqad ku noqoneyso ka dhab ahaanshahooda.”

Laacib.,net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip