Siyaaradi Sheekh Aweys Alqaadiri oo si cajiib ah uga dhacday Muqdisho (Sawiro)

0
Sunday January 26, 2014 - 11:59:08 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3654
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh Aweys Alqaadiri oo si cajiib ah uga dhacday Muqdisho (Sawiro)

    Siyaarada Sheekh Uweys Bin Axmed oo Umada Soomaaliyeed utaqaan Sheekh Uweys maxamed al qaadiri ayaa waxa lagu qabtay magaalada muqdisho ee gobolka banaadir iyadoo banaanbaxyo lagu weyneenayo siyaarada ka kala dhacday Magaalooyinka Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaarada Sheekh Uweys Bin Axmed oo Umada Soomaaliyeed utaqaan Sheekh Uweys maxamed al qaadiri ayaa waxa lagu qabtay magaalada muqdisho ee gobolka banaadir iyadoo banaanbaxyo lagu weyneenayo siyaarada ka kala dhacday Magaalooyinka Muqdisho Banaanbaxa SIyaarada oo ay kazoo qeyb galeen dhamaan Duruuqa Suufiyaha Sida Aweysiyada. Rufaaciyah, Axmadiyah, Seyliciyada iyo saalixiyah.
Barxada Weyn ee Degmada Xamar Jajab oo ah Fariisinka Saaxibul Sijaadaha Dariiqada Qaadariyah Asayid Sheekh Axmed Sh: Aweys ayaa waxa galabnimadi shalay lagu qabtay banaanbaxa Siyaarada Sheekha oo si weyn ugasoo qeyb galeen Culuma’uiinka Ahlusnnah Waljamaac iyo Dadweynaha Magaalada muqdisho oo si weyn usoo camiray.

Sheekh Maxamed ayaa waxa uu soo jeediyay wacdi qiiro iyo raxmad galiyay kazoo qeyb galayaashi isagoo si weyna ugu nuux nuuxsaday raadki iyo halganki sheikh aweys ee diinta islaamka isagoo markaati ka yihiin umadaha muslimiinta oo dhan qaasatan arlu soomaali oo manta boqolkiiba boqol ah umad muslim ah .

Asayid Sheekh Aweys Dheere oo umada soomaaliyeed utaqaano (Uweys Axmed Waliyalaah) ayaa waxa lagu xasuustaa in uu xataa naftiisi ku waayay fidinta diinta Islaamka isagoo ay dilkiisi fuliyeen koox ka amar qaadatay Maxamed Cabdala Xasan oo iminka lagu tilmaamo kooxdaas faraceedi in ay yihiin kuwa iminka faagta qabuuraha owliyada ilaahey iyo dadki suusuubanaa oo idil.

Gabagabadii Banaanbaxa Siyaarada ayaa waxa ijaasada Dariiqada qaadariyah halkaa ay uga qaateen Shacabkii kazoo qeyb galay siyaarada Saaxibul Sajaada Qaadariyaha Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere isagoo ijaasada kadibna duco dheer halkaa ugu jeediyay shacbiga soomaaliyeed isagoo alle uga baryay in culeeska fudeed ugu badalo nasri deg deg ahna siiyo dariiqada iyo inta ukaalmeeneesana gacanta kore alle ku daro aamiin

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan

 


 
w.d sh cali cumar abati binfaghi
gudoomiye ku xigeenka dariiqada rufaaciya
ahna weriyaha ahlasuna waljameeca ee muqdisho
email dariiqadarufaaciya@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip