Nabadoon Caan ah oo magaalada Garowe lagu toogtay

0
Monday January 27, 2014 - 22:14:55 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Caan ah oo magaalada Garowe lagu toogtay

    Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa caawa lagu diley nabaddoon caan ah oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Nugaal iyo guud ahaan deegaannada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa caawa lagu diley nabaddoon caan ah oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Nugaal iyo guud ahaan deegaannada Puntland. Nabaddoonka la diley oo ahaa nin waayeel ah, waxaa lagu magacaabi jirey Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan, wuxuuse ku magac dheeraa naaneysta ah (Xamari).

Ugu yaraan saddex dhallinyaro ah oo baaskoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa in ay Nabadoonka toogteen, waxyar kaddib markii uu kasoo baxay masjid ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo salaaddii Maqribka uu kusoo tukaday.

Ragga dilka geystey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamada ammaanka iyo saraakiil ka tirsan dembi-baarista.

Ciidamada oo goobta ka sameeyey baaritaan muddo kooban socdey ayaan ku guuleysan in ay falkaas cidna usoo qabtaan, haseyeeshee saraakiil ka tirsan booliska Garoowe ayaa  sheegay inay ku raad joogaan dad lagu tuhmay in ay falkaas ka dambeeyeen.

Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan wuxuu kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna mar walba u ololeyn jirey nabadda iyo xallinta khilaafaadyada.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip