Ganacsatada Magalada Nairobi oo dhigay Xaflad lagu qatimayo Mowliidka Nabiga NNKH (Daawo Sawiro)

0
Tuesday January 28, 2014 - 11:05:22 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2615
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Magalada Nairobi oo dhigay Xaflad lagu qatimayo Mowliidka Nabiga NNKH (Daawo Sawiro)

    Ganacsatada Soomaalida ee kunool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxey sameeyeen munaasabad aad ubalaaran oo qatin u ah munaasabado taxane ahaa oo ganacsatada ka qeyb qaadanayeen kuwaasi oo dhamaan lagu weyneenayay dhalashada Suubanaheeni Maxam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Soomaalida ee kunool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxey sameeyeen munaasabad aad ubalaaran oo qatin u ah munaasabado taxane ahaa oo ganacsatada ka qeyb qaadanayeen kuwaasi oo dhamaan lagu weyneenayay dhalashada Suubanaheeni Maxamed NNKH. Munaasabadaani oo aheyd mid siweyn looga soo shaqeyay kana dhacday Hotel Karmel ee magaalada Nairobi ayaa waxa kasoo qeybgalay Culuma’udiin, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Aqoonyahano, Odoyaasha Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Suxufiyiinta.

Madasha oo aheed mid qado ah ayaa waxa ugu horeyn lagu fur furtay Aayado Qur’aan ah iyadoo sidoo kale Salli aad umacaan badan uu halkaa kajeediyay Fadiilatu, Sheekh Isxaaq Xaaji Muuse, halka wacdi aad uqiiro galiyay dadki kasoo qeybgalay Xuska Rasuulka NNKH uu halkaa kajeediyay Fadiilatu, Sheekh Saalax Macalin.

Xildhibaanadi kasoo qeybgalay xuska Nabiga NNKH ayaa waxa codkooda kuhadlay Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo siweyn ugu dheeraaday ka sheekeenta siirada Rasuulka NNKH isagoona tilmaamay inuu ehel u aheen inuu meesha kahadlo hadana uu aadaab ahaan u istaagay .

"Rasuulka weyneentiisa cidna uga heybeesan meeno, waana dhigeena ilaa nafta na deyso” ayuu yiri Xildhibaanka isagoo sidoo kalena tilmaamay in looga baahan yahay Culimada iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala gadisan in laga wada qeyb qaato wacyi galinta umada Soomaaliyeed ee uu tilmaamay xildhibaanka in dhinac walba laga soo galay oo ee diinta udambeesay.

Prof Dhalxa ayaa sidoo kale waxa uu eed kulul dusha uga tuuray Dadka Soomaalida ee mashruuca kusoo qaatay baabi’inta Dadka Soomaaliyeed iyadoo loo adeegsanayo kala fur furkooda Qabiilisim, Goboleesi iyo afkaar qaldan oo diini ah .

Odoyaasha dhaqanka ee kasoo qeybgalay munaasabada ayaa iyagana xusay ka dhaqan ahaan iney ku dadaali doonaan sida loo bad baadin lahaa caruurta ee mas’uulka kayihiin hasa yeeshe culimadana looga baahan yahay iney caqiidada kadhisaan dhalinyarada la duufsanayo, halka ganacsatadana lafaray iney dhaqaalahooda diinta kunooleeyaan, sidoo kale dhalinyaradana lafaray iney ka faa’iideestaan culimadooda diinta xambaarsan.

Gabagabadi Ganacsatadi soo qaban qaabisay munaasabadaani ayaa balan qaaday iney sii wadayaan eena joogteen doonaan munaasabadahaan oo kale

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan

.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip