Munaasbaad lagu qatimayay Mowliidka Rasuulka (NNKH) oo ee soo abaabuleen Jameecada Sh: Max'ed Nuur Aluqmaani (Daawo Sawiro).

0
Tuesday January 28, 2014 - 11:30:05 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3134
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasbaad lagu qatimayay Mowliidka Rasuulka (NNKH) oo ee soo abaabuleen Jameecada Sh: Max'ed Nuur Aluqmaani (Daawo Sawiro).

    Munaasabad balaaran oo lagu soo gunaanadayay Xuska dhalshada Rasuulkeeni Maxamed NNKH ayaa waxa lagu qabtay howlka weyn ee Bangaani ee magaalada Nairobi Dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo lagu soo gunaanadayay Xuska dhalshada Rasuulkeeni Maxamed NNKH ayaa waxa lagu qabtay howlka weyn ee Bangaani ee magaalada Nairobi Dalka Kenya. Xafladaan aadka uqiimaha badan eena kasoo qeybgaleen masha’q caan ah iyo dhamaan qeybaha kala gedisan ee muslimiinta kunool magaalada Nairobi ayaa waxa soo qaban qaabisay dhamaan Jemaacada reer sheikh Maxamed Nuur uu hogaaminayo Saaxibul Wilaayaha reer Sheekh Maxamed Nuur, Asayid Sheekh Shanyaalow Sheekh Maxamed Nuur (Aluqmaani)

Mashaa’iqdi kaqeybgashay xuska ayaa waxa kamid ahaa

Shariif Cabdiwahaab, Sheekh Cabdicasiis, Sheekh Saalax, Sheekh Xuseen Dayib, Sheekh Cabuqaadir Xaashi iyo culimo kale oo aad ufara badan kuwaasi oo halkaa kasoo jeediyay muxaadarooyin ruxay qalbiyada dadki kasoo qeybgalay .

Sidoo kale waxa la aqriyay Kitaabki Mowliidka ee uu dajiyay Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Al-Celiyi) iyadoo gaba gabadi xafladana la oogay xilqada dikriga Uweysiyada oo uu si aad ah uga dhax muuqday Sheekh C/risaaq, Qaa’idka dikriga Uweysiyada .

Munaasabada ayaa kusoo idlaatay si qurux badan oo ee kuwada farxeen dhamaan dadki kasoo qeybgalay.




Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip