Abwaan Sangub oo Afka furtay sheegayna dhibaato 22-sano heesatay

0
Wednesday February 05, 2014 - 08:11:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Sangub oo Afka furtay sheegayna dhibaato 22-sano heesatay

    Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo la hadlay idaacada mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn uga cowday dad uu sheegay inay dhibaato ladaba taaganyihiin mudo ka badan 23 sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo la hadlay idaacada mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn uga cowday dad uu sheegay inay dhibaato ladaba taaganyihiin mudo ka badan 23 sano. Abwaan Sangub ayaa sheegay in markan uu xamili waayay dhibaatada lagu hayo oo uu mudo dheer qarsanayay Dadka uu ka cabanayo abwaanka ayaa mar wax laga weydiinay waxa uu sheegay inay yihiin dad kasoo jeeda Gobalada Woqooyi ee Soomaaliya.

Sangub waxa uu intaa raaciyay Dhibka lagu hayo in uu yahay mid qoto dheer oo xitaa wixii uu alifo laga bixinayo sawir qaldan ,iyadoo tii ugu danbeysana ay aheyd filimkii uu dhawaan abwaanku ka sameeyay magaalada muqdisho ee lamagacbaxay "Umad wada siyaasi ah side loo dhaqayaa "iyadoo filimkaasina durba dadka uu abwaanka uu ka cabanayo ay u bedeleen inuu ahaa mid beelo gaar ah loola dan lahaa.

Abwaan sangub ayaa tilmaamay in dadka dhibaateynaya aanay jirin wax u haray oo ay ku xushmeynayaan ayna ka dhigeen sida qof lahaysta ah sidaasi awgeedna uu u bandhigayo umada Soomaaliyeed in ay ogaadaan dadka dhibka iyo dacaayada beenta ah la daba taagan.

Ugu danbeyntii Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub ayaa tix gabay ah oo uu tiriyay kaga hadlay dhibka uu qabo iyo sida uu uga cabanayo waxana tixdaasi kamid ah


Gabay baan ku xaajoonayaa geydhadkaan qabo
Labo gacan hashuu I dheelmay bey aheyd geddeedi
Gacmaheyga labada ah ayaan geysba reer ahay
Garsooruhuse maxkamduu fadhiyay qeybe muu garane
Go’aan lagu deg degay baan arkay nabadgelyaan dooni
Guri yahow adaan kaa dhashay nabadgelyaan dooni
Geed yahow adaan kaa baxay nabadgelyaan dooni
Gurboodkeyga abti baan baryaa nabadgelyaan dooni
Naaskii godladay baan jiqee nabadgelyaan dooni
Gar cadaaday weyn baan ahaye nabadgelyaan dooni
Intarneedka hadallaa galee nabadgelyaan dooni
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip