Dhacdooyinki kadhacay soo dhaweynti heerka qaran ee meydka Ra'isul Wasaarahi hore

0
Friday February 07, 2014 - 10:58:35 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdooyinki kadhacay soo dhaweynti heerka qaran ee meydka Ra'isul Wasaarahi hore

    Waxaa abaare 8:50 daqiiqo saaka laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho meydka Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa abaare 8:50 daqiiqo saaka laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho meydka Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka. Diyaarada Turkish Airlines ayaa waxay soo qaaday meydka waxaana dad aad ufarabadan ay kusugnaayeen garoonka diyaaradaha Muqdisho kuwaasi oo doonayey inay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana la filayaa in daqiiqado kadib uu garoonka ka soo dego meydka. iyadoo isla maanta aas qaran loogu sameeyndoono Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, inta ay socoto munaasabadda aaska qaran ee loo sameynayo R/wasaarihi hore marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheekh, R/wasaare C/weli Sheekh, gudoomiyaha Baarlamanka, wasiirro, Xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamullada gobollada dalka iyo dadweyne aad u farabadan ayaa ka qeybgalaya aas’ka Qaran ee loo sameeynayo R/wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku sugan garoonka waxeyna si hab maamuus qiiro leh uga qeyb qaadanayaan aaska qaran ee maanta loo sameeynayo R/wasaarihii horee ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxa dibada garoonka Aadan Cade lagu celiyay ilaaladi gaarka aheed ee madaxweynaha puntalnd mudane Gaas kadib marki ee amar buuxa siiyeen Ciidamada AMISOM oo ah kuwa gacanta kuhaayo amaanka guud ee garoonka.

Inkastoo ciidamada Gaas oo kaliya aan la celina ayaa sidoo kale waxa la hakiyay ilaaladi dhamaan mas'uuliyiinta katirsan dowlada Soomaaliya marka laga reebo sadex Mas'uul ee ugu sareeso dalka




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip