Taageerayaasha Man United oo loo hayo war farxad leh.

0
Sunday February 09, 2014 - 12:10:57 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Man United oo loo hayo war farxad leh.

    Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa qorsheynaya inuu 45 milyan ginni kula soo wareego daafacyada garbaha ee Seamus Coleman oo 25 sanno jir ah iyo Luke Shaw oo 18 jir ah kuwaasoo u kala ciyaara Everton iyo Southampton, sida ay qortay Daily S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa qorsheynaya inuu 45 milyan ginni kula soo wareego daafacyada garbaha ee Seamus Coleman oo 25 sanno jir ah iyo Luke Shaw oo 18 jir ah kuwaasoo u kala ciyaara Everton iyo Southampton, sida ay qortay Daily Star.
Daafaca midig ee Everton Cole ayaa ka mid ah xiddigihii u danbeeyay ee diirada saaran tababaraha United iyadoo qiimihiisa lagu sheegay 20 milyan ginni.

 
Daafaca bidix ee Southampton oo 18 jir ah Luke islamarkaana taageere u ah kooxda reer London ee Chelsea ayaa loo arkayay in Blues ay ugu cadcadahay saxiixiisa laakiin waxaa soo baxaya tilmaam ku aadan in kooxda Old Trafford ka dhisan ay ka dhaadhicin karto inuu doorto United.

Luke Shaw ayaa isna qiimihiisa lagu sheegay 25 milyan ginni, laakiin United waxa ay tartan adag kala kulmeysaa Chelsea kuwaasoo iyagana doonaya ciyaaryahanka taageeraha u soo ahaa abid madaama Ashley Cole uu ka sii socdo kooxda.


Laacib.net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip