Daadadkii cagta mariyay magaalada Jigjiga oo qasaarahoodu sii kordhayo + Sawirro

0
Tuesday April 05, 2016 - 23:41:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daadadkii cagta mariyay magaalada Jigjiga oo qasaarahoodu sii kordhayo + Sawirro

    Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa isbedel xoogan laga dareemayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii xaafado ka tirsan magaalada ay cagta mariyeen daadad xoogan oo geystay qasaarooyin baaxad leh, iyadoo tirada dadka ku geeriyoonaya daadadkaasi ay kor u s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa isbedel xoogan laga dareemayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii xaafado ka tirsan magaalada ay cagta mariyeen daadad xoogan oo geystay qasaarooyin baaxad leh, iyadoo tirada dadka ku geeriyoonaya daadadkaasi ay kor u sii kacayaan.


Ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 23-ruux oo isugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah, waxaana dhaawacyo qaarkood xaaladoodu liidato ka soo gaaray 173-ruux oo lagu dabiibayo goobaha caafimaadka.

Kumanaan dadweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo ciidamada Liyu Police ayaa bilaabay gurmad xoogan oo lagu samatabixinayo dadka ay guryaha ku dumiyeen daadadka, kuwaasi oo laga soo saarayo burburka hoostiisa.

Fatahaadaha ku dhuftaymagaalada Jigjigaayay sheegtay Dowladda ismaamulka Soomaalida Zone-ka shanaad ee Itoobiya inay sabab u yihiin dadweynaha oo jebiyay gebiyadii ay mari jireen biyaha, taasina ay sababtay daadad ku soo rogmaday xaafado badan.

Dowladda ismaamulkaSoomaalida Itoobiyaayaa bilaabay inuu dib u dejin u sameeyo kumanaan qoys oo iyagu ka barakacay guryahooda markii ay daadku la tageen guryahooda iyo wixii agab ahaa ee dhex yiilay.

010203


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip