Afayeenka
dhinaca howl-galla Al-shabaab Abuu Muscabayaa mar uu lahadlaye warbaahinta ku hadasho afkooda ayaa waxa uu sheegay in ay
fuliyeen weeradii xalay iyo kuwa kale oo ka dhacay goboladda dalka asagoona
tilmaamay in ay ku qaarijiyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda
Fidraalka Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiraan wax faah-faahin ka baxshay weeraradii xalay ayadoona ila
lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in dhowr madaafiic ay ku dhaceen Madaxtooyada
wallow aan la xaqiijin karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdaasi.
Sikastaba Magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka ayaa mudooyinkaan danbe waxaa
ka dhacaye weeraro iyo qaraxyo isdaba joog ah kuwaa oo ay geesanayaan
Al-shabaab ayadoona xaalka magaaladda uu noqonayo mid hoos u sii dhacayo
dadkana ay muujinayaan cabsi xoogan
Weeraro kala duwan oo xalay Muqdisho ka dhacay iyo Al-shabaab oo sheegtay
Weeraradaani ayaa waxaa lala eeganaye fariisimaha ciidamada Dowladda iyo kuwa nabad sugidda Amison ayadoona dagmooyinka xalay weeraradu ka dhaceyn ay kamid tahay Dagmada wardhiigley oo hada loo yaqaano "Warta nabadda" Dagmada Hodon , Xamar