Liverpool oo isha la raaceysa daafac u ciyaara Juventus "Waa kuma?" Aqriso

0
Sunday February 23, 2014 - 14:44:43 in Sports by
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo isha la raaceysa daafac u ciyaara Juventus "Waa kuma?" Aqriso

    Tababaraha kooxda Liverpool Ninka lagu Magacaabo Brenden Rodgers ayaa doonaya inuu xagaaga la soo wareego daafaca dambe Ee kooxda Juventus Angelo Ogbonna kaa oo inbadan lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqi dhanka iyo gegeda Anfiled oo ay ku ciyaarto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Liverpool Ninka lagu Magacaabo Brenden Rodgers ayaa doonaya inuu xagaaga la soo wareego daafaca dambe Ee kooxda Juventus Angelo Ogbonna kaa oo inbadan lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqi dhanka iyo gegeda Anfiled oo ay ku ciyaarto Liverpool.

25 jirkaan heerka caalami Ee xulka Italy iyo kooxda Juventus ayaa xagaagi hore ku soo biirsay kooxda lagu naaneyso marwada duqda ah isagoo marka isaga soo dhaqaaqay dhanka iyo kooxda Torino, waxana suura gal ah inuu isaga tago Juvetntus maadama uu ku guul dareystay inuu boos joogta ah ka helo taatikada tababare Antonio Conte.

Liverpool ayaa lala xiriirinayay inay la soo saxiixan doonto xiddigan ka hor inta uusan ku biirin Juventus, balse iminka waxey tartan xoogan kala kulmi doonta kooxaha waa weyn Ee Premier League ka ciyaara oo ay horkacayan Arsenal iyo Manchester United oo dhankoda ka doon doonaya Angelo Ogbonna.

Angelo Ogbonna ayaa Juventus xilli ciyaaredkan u saftay kaliya 10 kulan, isagoo inbadan aan ka soo muuqan kooxda Antonio Conte kulamada muhiimka ah, waxana suura gal inuu xagaaga isaga tago Juventus.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip