Siddaas awgeed, anigoo ku hadlaaya magaca suxufiyiinta ilaalisay anshaxa saxaafada (Media Ethic Obeyers), waxaan dhammaan suxufiyiintii Somaaliyeed ee naftoodii qaaliga aheyd ku waayay, iyagoo ku howlan run u soo bandhigida shacabka Soomaaliyeed, waxaan ilahey uga baryaaya inuu ka waraabiyo janatul fardowsa, qoysaskoodii iyo bahda saxaafada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan, kuwa dhaawacmayna uu ilahay u boogo dhayo, kuwa noolna waxaan leeyahay hambalyo, waxaadna tihiin geesiyaal taariikhdu xusi doonto, marka ay dhammaato fowdada Soomaaliya ee 23-tan sano jirsatay (As soon as ends 23 yrs old Chaotic in Somalia) Intaas kadib.
Taariikhdu markay aheyd Khamiis February 20, 2014, waxaan websidyada qaarkood ku soo bandhigya maqaal uu ciwaankiisu ahaay "Wixii aan shalay sheegnay maanta ma soo shaac baxeen? ", maqaalkaas wuxuu ku saleysnaay sagaal (9) billood oo aan Xamar soo joogay, dhaliilo fara badan oo uu shacabka Muqdisho ku nool ku xamanaayay dowladda rasmiga ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, dhaliilaha ay reer Muqdisho ku xamanaayeen dowlada federaalka Soomaaliyeed, waxaa ugu waaweynaay 1) karti la'aan iyo 2) musuq maasuq iwm.
Maalintii aan maqaalka soo bandhigay, maalintii ka danbeysay oo ay taariikhdu aheyd Jimco February 21, 2014-tiin, Al Shabab ayaa maalin cad soo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, dabadeedna ku dilay dhowr qofood oo ku dhex cibaadaysanaayay masjidka madaxtooyada, haddaba su'aasheydu waxay tahay ma jiri kareysaa karti-xumo intaas ka sii weyn oo dhici laheyd??, mida kale shacabka reer Muqdisho, hala weydiiyo sida ay u dhaliilsan yihiin garsoorka maxkamadaha Muqdisho, isbitaalo dowlo oo daryeela dan yarta Soomaaliyeed la'aan, waxbarasha la'aanta, biyo nadiif ah la'aan, wariyayaashii la laayay oo aan waxba laga qaban, marka laga reebo ninkii dilay wariye Hassan Yusuf Absuge.
Haddaba waxaa saniib-darro ah, inuu ninka la yiraahdo Axmed Calasow uu dhowaan soo bandhigay maqaal uu ku naqdinaayo maqalkeyga kor xusan, asagoo ku andacoonaaya inaan necbahay madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud.
Runtii markii aan arkey naqdinta walalkey Calasow iyo dhaliisha shacabka reer Muqdisho ee ku wajahan dowlada uu hoggaamiyo M/W Hassan Sheikh Mohamoud, wax badan ayaa isukey qaban waayay, laakiin markii la iiga sheekeeyay shaqsiyada Axmed Calasow aad ayaan u naxay, markii leygu war geliyay in uu yahay caade-qaate oo yaqaan lacag igu shubo ( Call Box) oo ay u dheer tahay balwad dilootay ( Alcoholic) asagoo ku jira cimri-biliseyd, waxaana leeyahay walalkey Calasow, sida la ii sheegay waad habowsan tahay ee ilahay haku soo hannuuniyo.
Waxaan akhristayaalka sharafta leh, halkaan uga caddeynayaa in aan taageersanahay M/W Hassan Sheikh Mohamoud iyo dowlada uu hoggaamiyo laakiin qabiilka waxaa igala qiimo weyn qaranimada Soomaaliyeed iyo saxaafada oo laga run sheego, sidaas daraadeed haddii ay dowladaan uu madaxweynaha ka yahay Hassan Sheikh soo fiicnaato, insha'allah waxaan soo bandhigi doonaa ammaanteeda, haddii ay ka sii dartana waxaan soo bandhigi doonaa dhaliilaheeda (Either way).
Calasobow waxaad ka mid tahay kuwa wax u dhimaaya sumcada saxaafada Soomaaliyeed ee fadlan ilaali anshaxa saxaafada, si aad u fuliso codsigeyga waxaan kugula talinayaa in aad wax soo qorto, adigoo aysan u hor oolin qarshooyin dhididaaya iyo maan-dooriyayaal.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Rochester, MN
Linkiga Hoose ka aqri qormooyinka leesugu jawaabay
M. GHEDI: "Calasobow waxaad ka mid tahay kuwa wax u dhimaaya sumcadda Saxaafadda Soomaaliyeed"
Macaga saxaafad waa wax aad u sharaf badan oo leh qiimo iyo qaayo aad u weyn , sidaas awgeed ayay tahay in ay cid kasta u hayso xushmad iyo qadarin, gaar ahaan saxaafada Soomaaliyeed oo wixii ka danbeeyay burburkii Somaaliya ee sanadkii 1991-dii, ku