Guuxa Shacabka Muqdisho oo aad ukacsan iyo Aragtida Gudoonka Cusub ee G/Banaadir

0
Friday February 28, 2014 - 22:47:23 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuxa Shacabka Muqdisho oo aad ukacsan iyo Aragtida Gudoonka Cusub ee G/Banaadir

    Guuxa shacabka muqdisho ayaa waxa uu yahay mid maalinbo maalinta ka dhanbeyso waji cusub yeelanayo ayadoona shacabka Muqdisho ay iminka yihiin kuwo aanan garaneenin halkii ay wax marsiin lahaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guuxa shacabka muqdisho ayaa waxa uu yahay mid maalinbo maalinta ka dhanbeyso waji cusub yeelanayo ayadoona shacabka Muqdisho ay iminka yihiin kuwo aanan garaneenin halkii ay wax marsiin lahaayeen.
Sida aanu lasoconobo Magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya maalmihii ugu danbeeye waxaa ka jiray qaraxyo, Weerarro toos iyo hanjabaadyo xoogan oo kazoo yeerayo Al-shabaab.

Markii aanu eegno dhanka iyo dhalinta Muqdisho gaar ahaan kuwa ku jira waxbarashada ayaa waxa ay yihiin kuwo ka deerinayo nolosha ay ku jiraan sababtana ay ku sheegayaan in ay tahay in ay mar-mar lakulmaan in lagu tilmaamo wax aysan aheyn sida "Al-shabab ayaa tahay”.

Qaar kamid ah dhalinta wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho oo si toos ula soo xiriiray shabakada warsheekh ayaa waxa ay u xaqiijiyeen in qabaan dhibaatooyin farabadn oo kaga imaada qaar kamid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoona dhibaatadaas u sababeenayo in ay markii hore kaga imaatay Al-shabaab oo ah Koox si weyn uga soo horjeeda Dowladda islamarkaana Magaaladda kawado Falal amaanka Liddi ku ah sida "Qaraxyo iyo Weerarro”.

Dhanka kale shacabka kunool Magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo maalmo ka hor hami u lahaa in ay helaan amaan iyo kala danbeen dalkooda hooyo ka dhalata ayaa waxa ay iminka u muuqdaan kuwo niya jab xoogan lasoo daristay ayadoona la arkayo dad aad u fara-badan oo ay ku jiraan arday rabo in ay dalka iskaga tahriibaan.

Sikastaba guuxa shacabka Muqdisho ayaa waxa uu iminka yahay mid ee siweyn uhadal hayaan Gudoonka cusub ee gobolka Banaadir Mudane Mungaab iyo waxa uu kusoo kordhiyo

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip