Wasiir ku xigeynka wasaarada arimaha dibada oo la kulmay danjiraha Switzerland

0
Wednesday March 05, 2014 - 13:17:17 in Wararka by
  • Visits: 1624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ku xigeynka wasaarada arimaha dibada oo la kulmay danjiraha Switzerland

    Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Dominik Langenbacher oo ay ka wada hadleen Xoojinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Dominik Langenbacher oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay dowladda Switzerland talooyinka wax ku oolka ah iyo taageerada ay u fidineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Ambassador Dominik Langenbacher, iyadoo kulankaasi uu ku dhamaaday jawi is faham leh , waxaana la qorsheynayaa in Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka H.E. Abdullahi Godah Barre iyo Wasiirka Amniga qaranka H.E. Abdikarim Hussein Guled inay xafiisyadooda si gaar gaar ah ay ugu qaabilsaan Danjirahaasi dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya .

Sikastaba Dowladaha reer Galbeedka ayaa si weyn udaneynaya dalka Soomaaliya, iyadoo muddooyinkaan dambe ay aad usoo badanayaan safiirada Dowladaha caalamka Soomaaliya ay usoo dirsanayaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip