David Villa Oo Ka Caawiyay Atletico Madrid Inay Booska Kalabaxdo Barcelona Kadib Guul Ay Ka Gaartay Celta Vigo.

0
Sunday March 09, 2014 - 09:11:31 in Sports by
  • Visits: 1738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    David Villa Oo Ka Caawiyay Atletico Madrid Inay Booska Kalabaxdo Barcelona Kadib Guul Ay Ka Gaartay Celta Vigo.

    Kooxda Atletico Madrid ayaa soo gashay booska labaad ee kala saraynta horyaalka Spain kadib guul ay ka gaartay kooxda Celta Vigo oo ay marti ugu aheed garoonka Estadio de Balaidos iyagoona ugu awood sheegtay 0-2, David Villa ayaa ahaa dhaliyaha labad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Atletico Madrid ayaa soo gashay booska labaad ee kala saraynta horyaalka Spain kadib guul ay ka gaartay kooxda Celta Vigo oo ay marti ugu aheed garoonka Estadio de Balaidos iyagoona ugu awood sheegtay 0-2, David Villa ayaa ahaa dhaliyaha labada gool ee kooxda Atletico Madrid.

20 kii daqiiqo ee ugu horaysay ciyaarta waxaa ku gacan saraysay kooxda Celta Vigo balse 24 daqiiqo Raul Garcia ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxda Atletico Madrid laakiin birta ayaa ka beenisay kubadaas, isla hal daqiiqo kadib Villa ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaliyo kooxdiisa laakiin kubadiisa waxay ku dhacday difaaca Celta Vigo.

Atletico Madrid ayaa mar kale isku dayday inay hogaanka u qabato ciyaarta laakiin uma suuro galin, ciyaarta ayaana lagu kalanastay 0-0 qaybtii hore.

Qaybtii danbe Atletico Madrid ayaa aad ugacan saraysay, 62 daqiiqo David Villa ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu ka faa,idaystay kubad uu qalday daafaca Celta Vigo Johny isagoona ciyaarta ka dhigay 0-1.

2daqiiqo kadib isla Villa ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 kadib baas fiican oo uu ka helay saaxiib kiis Jose Sosa isagoona shuud xoogan sii daba mariyay gool hayaha, ciyaarta ayaana sidaas ku soo idlaatay iyadoo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid 0-2.

Guushaan caawa ee Atletico Madrid ayaa ka dhigaysa inay ku jirto booska labaad ee kalasaraynta horyaalka spain iyagoo leh 64 dhibic waxayna isku dhibco yihiin kooxda Real Madrid oo hogaanka u haysa horyaalka oo la ciyaari doonta kooxda Levante, Barcelona ayaa ku jirta booska 3 aad iyagoo leh 63 dhibic 27 kulan oo ay ciyaartay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip