
20 kii
daqiiqo ee ugu horaysay ciyaarta waxaa ku gacan saraysay kooxda Celta Vigo
balse 24 daqiiqo Raul Garcia ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxda
Atletico Madrid laakiin birta ayaa ka beenisay kubadaas, isla hal daqiiqo kadib
Villa ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaliyo kooxdiisa laakiin kubadiisa
waxay ku dhacday difaaca Celta Vigo.
Atletico
Madrid ayaa mar kale isku dayday inay hogaanka u qabato ciyaarta laakiin uma
suuro galin, ciyaarta ayaana lagu kalanastay 0-0 qaybtii hore.
Qaybtii
danbe Atletico Madrid ayaa aad ugacan saraysay, 62 daqiiqo David Villa ayaa
hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu ka faa,idaystay kubad uu qalday
daafaca Celta Vigo Johny isagoona ciyaarta ka dhigay 0-1.
2daqiiqo
kadib isla Villa ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 kadib baas fiican oo uu ka helay
saaxiib kiis Jose Sosa isagoona shuud xoogan sii daba mariyay gool hayaha,
ciyaarta ayaana sidaas ku soo idlaatay iyadoo ay guushu ku raacday kooxda
Atletico Madrid 0-2.
Guushaan
caawa ee Atletico Madrid ayaa ka dhigaysa inay ku jirto booska labaad ee
kalasaraynta horyaalka spain iyagoo leh 64 dhibic waxayna isku dhibco yihiin
kooxda Real Madrid oo hogaanka u haysa horyaalka oo la ciyaari doonta kooxda
Levante, Barcelona ayaa ku jirta booska 3 aad iyagoo leh 63 dhibic 27 kulan oo
ay ciyaartay.
David Villa Oo Ka Caawiyay Atletico Madrid Inay Booska Kalabaxdo Barcelona Kadib Guul Ay Ka Gaartay Celta Vigo.
Kooxda Atletico Madrid ayaa soo gashay booska labaad ee kala saraynta horyaalka Spain kadib guul ay ka gaartay kooxda Celta Vigo oo ay marti ugu aheed garoonka Estadio de Balaidos iyagoona ugu awood sheegtay 0-2, David Villa ayaa ahaa dhaliyaha labad