Hordhac: Real Madrid v Levante – Los Blancos Oo Fursad U Heysata Inay Xajisato Hogaanka La Liga.

0
Sunday March 09, 2014 - 09:56:26 in Sports by
  • Visits: 1696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid v Levante – Los Blancos Oo Fursad U Heysata Inay Xajisato Hogaanka La Liga.

    Real Madrid ayaa fursad u heysata inay sii xajisato hogaanka horyaalka La Liga marka ay caawa Santiago Bernabeu ku soo dhaweeyaan Levante.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa fursad u heysata inay sii xajisato hogaanka horyaalka La Liga marka ay caawa Santiago Bernabeu ku soo dhaweeyaan Levante.

Ka dib guuldaradii soo gaartay Barcelona shalayto, Madrid ayaa guul ay gaarto caawa waxa ay ka dhigeysaa inay seddex dhibcood oo nadiif ah hogaanka kaga qabtaan Atletico Madrid oo xalayto badisay islaamarkaana hogaanka horyaalka ku qabatay farqiga goolasha oo ay ka fiican yihiin Real Madrid.

MAXAA KA CUSUB?

Raphael Varane, Isco, Dani Carvajal iyo Marcelo ayaa dhamaantood la filayaa inay ku soo bilowdaan kulanka Real Madrid ay caawa wajaheyso Levante ee ka dhacaya Santiago Bernabeu.

Carlo Ancelotti ayaa la filayaa inuu isbedelo qaar ku sameeyo line-upkiisa isagoo maanka ku haya ciyaartoydii ciyaartay bartamihii isbuuca kulamadii heerka caalami.

Isco ayaa laga yaabaa inuu bedelo Angel Di Maria kaasoo 90 daqiiqo u ciyaaray Argentina kulankii Romania halka Isco uu isna talaadadii u ciyaaray xulka Spain ee da’dooda ka hooseyso 21 sanno jir.

Varane ayaa laga yaabaa inuu bedelo Pepe kaasoo xumad ku seegay kulankii ay Portugal ka badisay Cameroon.

 

Carvajal iyo Marcelo ayaa lagu soo celin doonaa boosaska garbaha daafaca iyadoo bedelaya Alvaro Arbeloa oo dhaawacan iyo Fabio Coentrao taasoo qeyb ka ah siyaasada isku bedelka ee Ancelotti.

Laakiin lama filayo tababaraha inuu wax ka bedelo seddexda afka hore, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema.

Levante waxaa ka maqnaan doona seddexda ciyaaryahan ee ganaaxa ku maqan Pape Diop, Victor Cassadeus iyo Simao Mate, halka Christian Lell iyo Isaam Adoua uu shaki ku jiro.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Lopez; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Xabi Alonso, Modric, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo.

Levante: Navas; Vyntra, Juanfran, Navarro, Karabelas; Garcia, Pinto, Adoua, Ivanschitz; Diawara, Barral.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip