Maqaal: "Shaqo la'aanta shacabka iyo shaqaaleysiinta shisheeye" (Qeybta 1aad)

0
Monday March 10, 2014 - 15:29:03 in Wararka by
  • Visits: 2137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: "Shaqo la'aanta shacabka iyo shaqaaleysiinta shisheeye" (Qeybta 1aad)

    Dalkeena soomaaliya waxaa ku nool dad aad u fara badan oo aqoontooda heer sare ay gaar sii santahay waxaana ay kalayihiin dad ka kala qalin jibiyay kuliyadaha kala duwan ee laga barto caalamka sida kuliyadaha: Engineering, Caafimaadka iyo kuliyado k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalkeena soomaaliya waxaa ku nool dad aad u fara badan oo aqoontooda heer sare ay gaar sii santahay waxaana ay kalayihiin dad ka kala qalin jibiyay kuliyadaha kala duwan ee laga barto caalamka sida kuliyadaha: Engineering, Caafimaadka iyo kuliyado kale hase ahaatee Maxaa shaqa la'aanta dhigay mutacalimiinta iyo injineerada dalka ku sugan? Maxaa sababay in dibada laga soo kireysto rag ajaaniib ah oo qabanaya howshii looga baahnaa dadkeena wax bartay?

Waa su’aalo maskaxda mar walbaa ay is weydiiso, aaway Soomaalinimadii?, Xaqiiqdii waa wax lala yaabo, Maxaa dirbi jiif kadhigay dadka aqoonta leh ooka reebay asaagooda?.

Dunida waxaa la isku dhaafay aqoon iyo fikrado wanaagsan lkn Soomaaliya Maxay isku dhaaftay?

Aan hadalka shaaca ka qaado Muqdisho waa Caasimadda dalka Soomaaliya waxaana ku sugan dad kasoo shaqeyn jiray xiligii Dowladii dhexe Isbitaalada waa weyn ee dalka oo qaarkood haatan ladayactiray, Sidoo kale waxaa jooga dad looga dambeyn jiray Dhismaha iyo Bilicda goobaha dhismaha loo rabo aaway Dadkaasi xageese ku dambeeyeen?

Dadkaasi qaarkood dalka way ka baxeen waa kuwii hanti ay dalka kaga baxaan heystay waxaana ay haatan injineero kayihiin dalalka caalamka.

Aaway dadkii la mid ka ahaa ee ku sugnaa dalka? Jawaabtu waxa ay tahay way joogaan, laakin Su’aasha kale ayaa waxee noqoneysaa: Asaagoodii shalayto ma isla jaanqaadi karaan? Jawaabtu waa Maya sababtuna waxa ay tahay Soomaalidu waa is liidaa.

Waxaa iminka Magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ka socdo dhismo, waxaana ku sugan Magaaladda dad injineero soomaaliyeed ah laakin ayagu kama shaqeeyaan dhismahaasi .

Tusaale ahaan isbitaalka digfeer dayactir aad u weyn ayaa lagu sameeyay waxaana dayactiray injineero kasocda dalka turkiga maxumo waa mid iska caadi ah soomaali iskuma qanacsana oo isma aamineyso ayaa layiri lkn shisheeye way aamineeysaa waa layaab runtii.

Aqriso oo lasoco Qeybta 2aad ee maqaalka lamagac baxay:

(Shaqo la’aanta shacabka iyo shaqaaleysiinta shisheeye)

www.warsheekh.com

Xafiiska Muqdisho



 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip