hase ahaatee Maxaa uga qorsheeysan shisheeyihii Dayactiray? Makula tahay in uu kuu madax banaaneeynayo howlaha uu qaban doono isbitaalka?
Jawaabtu waa mid iska cad oo Cidna Daah kama saarno Shisheeyuhu Waxaa uu doonayaa in uu isaga gacanta ku hayo isbitaalka.
Hadaba Maxaa nala gudboon in ayno sameyno hadii ayno nahay Soomaali? Yaase kadambeeya dhibaatada haleyshay Aqoonyiihaanadeena?
Runtii waa su’aalo muhiim ah in uu fahmaa jawaabahooda Muwaadhin kastaa oo Soomaali ah Sababtoo ah waxa uu kamid yahay Dadka laga rabo in uu kaqeyb qaato in Soomaali ay is ku laab furnaanto aan guda galo jawaabaha .
Waxaa nala Gudboon in ayno sameeyno in Marka hore ayno noqonaa dad is jecel oo Walaala ah Diin iyo Dal wadaaga oo Dadka kale iska dhex doorta Markii laabteena ayno isku furnaa waan noqon karnaa Dal iyo Dad ka gudbay dhibaato muddo soo dhex tiilay.
Hadii ayno Fiiro Gaar ah Saarno waxa ka dambeeya dhibaatada heysata Aqoonyiihaanadeeda runtii cid kale ma ahan waa anaga Maxaa yeelay isma aamin sanin Dadkeyna aqoonta leh waxayno ka jecelna Shisheeyaha aan aqoonta laheyn.
Tusaale: Isbitaalada Waa Weyn ee Dalka ku yaala waxa joogo Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba wax ku soo bartay Aqoontoodana ay tahay heer sare laakiin lama aaminayo oo Dadka ay gargaarka u fidinayaan ma aaminsano marka danta ayaa ku qasbeysa in ay soo iibsadaan Dhaqaatiir Shisheeye Xitaa ayagoo ka aqoon wanaagsan.
{ALLOW DALKA IYO DADKABA NOO HAGAAJI}
{Lasoco qeybta 3aad} ee Maqaalka lamagac baxay.
{Shaqo la’aanta Shacbka iyo Shaqaaleysiinta Shisheeye}
Maqaal: Shaqo la'aanta Shacabka iyo Shaqaaleeysiinta Shisheeye {qeybta 2aad}
Aqriste Qeybta 1aad waxay inoogu soo dhamaatay howlihii dayactirka ahaa ee shisheeyuhu ay ku sameeyeen isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho bilic ahaan aad ayuu u wanaagsan yahay oo si wanaagsan ayaa loo Dayactiray