Xaflad Aad ubalaaran oo lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) eena kasoo qeybgaleen Siyaasyiin Caan ah oo xilal culus kasoo qabtay dowladihi dalka, Culuma'udiin, Odoyaal, Ganacsato, Aqoonyahano, Haweyn iyo Dhalinyaro ayaa waxa habeenki xalay lagu qabtay magaalada London ee Caasimada dalka Boqortooyada Ingiriiska.
Munaasabadaani oo sidoo kale goob joog ahaayeen Fanaaniin iyo Bahda Saxaafada ayaa ugu horeyn waxa madasha kabilowday qudbadaha Marti sharafka kuwaasi oo ku dheeraaday muhiimada ee xiligaan uleedahay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho inuu hogaamiyo Jeneral Muungaab oo lagu tilmaamay Muwaadin geesi ah hanan karo amaanka guud ee magaalada Muqdisho.
Fanaaniinta Soomaaliyeed ee kunool magaalada London ayaa siweyn uruxay habeenki xalay iyagoo halkaa kusoo bandhigay heeso guubaabo ah oo lagu kicinayo dareenka shacabka laguna taageerayo maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.
Fanaaniinta sida weyn xaflada uga muuqday habeenki xalay ayaa waxa kamid ahaa Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, Gaadaco iyo Fanaaniin kale oo dhowr ah .
Siyaasiyiinti kasoo qeybgashay xaflada ayaa waxa kamid ahaa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) , Ra’isul Wasaarihi xukuumadi Kumeel Gaarka aheed ee soomaaliya. Cabduqaadir Cali Boolaay oo isna kamid ahaa aas aasayaashi Ururka SYL.
Faah Faahinta xaflada iyo Sawiro kale oo dhowr ah naga filo goor dhow
"Xaflad" Jaaliyada Soomaalida UK oo aan ukala harin Taageerida Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir (Daawo Sawiro)
Xaflad Aad ubalaaran oo lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) eena kasoo qeybgaleen Siyaasyiin Caan ah oo xilal culus kasoo qabtay dowladihi dalka, Culuma'udiin, Odoyaal, Ganacsato,