Dagaal xoogan oo Aroornimadii Saakay ka bilowday Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

0
Wednesday March 18, 2009 - 10:17:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal xoogan oo Aroornimadii Saakay ka bilowday Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

    Abaaro 6:30am aroornimo ayaa waxa uu dagaal xooga ku bilowday gudaha degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaaro 6:30am aroornimo ayaa waxa uu dagaal xooga ku bilowday gudaha degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool

Dagaalkani ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidmada dowladda KMG soomaliya oo degmada Ceelberde ku sugnaa iyo xoogaga Al-shabaab kaasi oo iminkaba si toos ah uga huraya gudaha degmadaasi.

Degmada Rabdhuure mar aynu la xiriirnay ayaa ilo lagu kalsoonaya inoo xaqiijiyay in dhinaca ciidamada dowladda kMG soomaaliya laga gubay gaari nooca cabdi bilada ah kaasi oo ku basbeelay gudaha degmadaasi.

Qasaaraha dhabta ah ee dagaalkani iminka ka socda degmada Rabdhuure lama sheegi karo,bacdamaa dagaalka oo si aad ha iminkaba uga soconaya gudaha degmadaasi.

Dhawaqa rasaasta ay ridayaan labada dhinac ayaa si aad ah looga maqlayaa gudaha degmada Rabdhuure iyo tuulooyinka la dariska la ah,iyadoona shacabka halkaasi deganaa ay saakay ku waabariisteen dagaalka.

La arki dooni halka uu ku dambeyn doono dagaalkani aroornimadii hore ee saakay ka bilawda gudaha degmada Rabdhuure ee gobolka Bakol, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG soomaaliya ee ku sugnaa degmada Ceelberde iyo Al-shabaab.

Wixii warar ah ee dagaalkaasi kala soco wararkeena dambe inshaa Allaah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip