Shiikh Xassan Xussein iyo marwadiisa Fordowso Mohamed oo 1 April laga qabtay Hoygooda Xaafada Islii Wadada Jaamka ayaa markii ugu horeysay maanta waxaa la soo taagay Maxkamad Ku taal Magaalada Nairobi.
Xasaan iyo Marwadiisa ayaa lagu eedeeyay in lagu qabtay labo bam gacmeed oo ay ciidamada ay sheegeen in ay kasoo qabteen Guriga Shiikh Xasaan.
Wadaadka ayaaa si caro leh u dafiray eedeynta loo jeediyay wuxuuna sheegay in ujeedada ka dambeysa eedeyntaan ay tahay in la dhibaateeyo shacabka.
Qareenka Sheekha Mr Chacha Mwita ayaa sheegay in loo baahan yahay cadeyn muujineyso in lagu qabtay Bambaanooyin xiligii la baarayay Guriga Shiikha.
Xeer ilaaliyaha Maxkamad ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo Wadaadka iyo Mawrwadiisa iyadoo 17 April loo balamay in la isugu soo laabto Maxkamada oo halkaasi laga sii wadayo Dacwada loo haysto lamaanahaaan.
Sheekh Xasaan ayaa isagoo jeebeesan dib loogu celiyay Xabsiga walow oo diiday inuu wax war ah siiyo warbaahinta hasa yeeshe labada eray ee afkiisa laga maqlay ayaa ahaa "Kiis Been Ah".
Wadaadka ayaa waxa dowlada Kenya kutuhunsan tahay taageerada Alshabaab oo had iyo jeer wadaada lagu eedeeyo taageerada afkaarta Alshabaab.
Sheekh Xasaan oo maanta lasoo taagay Maxakamada Nairobi (VIDEO)
Shiikh Xassan Xussein iyo marwadiisa Fordowso Mohamed oo 1 April laga qabtay Hoygooda Xaafada Islii Wadada Jaamka ayaa markii ugu horeysay maanta waxaa la soo taagay Maxkamad Ku taal Magaalada Nairobi.