Dilka shaqaalaha Qaramada Midoobay ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay muxuu saameyn ku yeelan karaa hawlaha gargaarka ee beesha caalamku ka waddo Soomaaliya?

0
Monday April 07, 2014 - 18:06:51 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1408
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilka shaqaalaha Qaramada Midoobay ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay muxuu saameyn ku yeelan karaa hawlaha gargaarka ee beesha caalamku ka waddo Soomaaliya?

    Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyey dilkii manta loogu geeystay laba qof oo la taliye ahaan ugu shaqeenayey xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyey dilkii manta loogu geeystay laba qof oo la taliye ahaan ugu shaqeenayey xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira maandooriyeyaasha iyo dunuubta kaleba (UNODC).
Labada lataliye ee caalamiga ahaa waxay joogeen magaalada Gaalkacyo si ay u taageeraan dadaalka uu xafiiska UNODC kawado gobolka. Waxaana lugu dilay ragaasi garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo qeeybta Puntland ee Soomaaliya, waxaana dilay rag aan heeybtooda la aqoon.

"Waxaan cambaareynayaa dilka foosha xun leh. Saaxiibadeenna ka tirsanaa Qaramada Midoobay waxay u howl gelaayeen siday u taageeri lahaayeen baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan helitaanka mustaqbal ay nabad iyo xasillooni ku dheehantahay. Wax cudur daar ah looma helayo weerarka naxariis la’aanta ah. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta in ay sameeyaan baaritaan buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan leh eey dambiileyaashane u hor keenaan cadaaladda, ayadoon jirin wax dib u dhac ah. Waxaan tacsi u dirayaa qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii la dilay. Qaramada Midoobay waxay sii wedi doontaa taageerada muhiimka ah ay u fidineeyso dadka Soomaaliyeed kuwaasoo kasoo kabanaayo labaatameeyo sano oo xasilloni la’aan ay ka jirtay dalka ” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Mudane Kay
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip