Amnesty: "Dadka lagu raafay Islii waxa kamid ah Wiil layiri lacag bixi hadii Kale Shabaab ayaa Noqoneesaa"!!!!!

0
Saturday April 12, 2014 - 21:37:19 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amnesty: "Dadka lagu raafay Islii waxa kamid ah Wiil layiri lacag bixi hadii Kale Shabaab ayaa Noqoneesaa"!!!!!

    Warbixin ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ay soo wajahday dhibaato xooggan, kaddib markii kumannaan qof oo qaxooti ah la xiray, intii ay socdee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ay soo wajahday dhibaato xooggan, kaddib markii kumannaan qof oo qaxooti ah la xiray, intii ay socdeen howlagallada ay sameynayaan ciidamada ammaanka Kenya.
Ku-xigeenka madaxa hay’adda Amnesty International ee Afrika, Michelle Kagari ayaa xustay in dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya ay haysato xaalad xun oo xarig iyo masaafuris isugu jirta.

Waxay hay’addu wareysatay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed oo warqaddiisii aqoonsiga qaxootinnimada ay ka qaateen ciidanka, kaddibna ay xireen iyo qof kale oo magaciisa lagu soo koobay Axmed kaas oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab yahay, kaddib markii uu bixin waayay lacag laaluush ah oo ay askartu waydiisteen.

Qaxootiga ayaa u sheegay Amnesty in lagu hayo jirdil, cabsi-gelin iyo xarig sharci-darro ah, tan iyo markii ay howlgalladu billowdeen toddobaadkii hore.

Hay’addu waxay tilmaantay inay halis ku jiraan dadka qaxootiga ah ee aan la diiwaangelin, iyadoo xustay in kuwa haysta waraaqaha saxda ah la xirayo, la handadayo, si xunna loola dhaqmayo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip