Cudur aan la aqoonin oo kadilaacay gobolka Bay (Warbixin)

0
Monday April 14, 2014 - 10:49:11 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudur aan la aqoonin oo kadilaacay gobolka Bay (Warbixin)

    Kudhawaad 20-ruux ayaa ugeeriyootay cudur aan la aqoon oo ka dilaacay deegaano hoostaga Degmada Bardaale ee Gobalka Baay, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Bardaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kudhawaad 20-ruux ayaa ugeeriyootay cudur aan la aqoon oo ka dilaacay deegaano hoostaga Degmada Bardaale ee Gobalka Baay, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Bardaale.
Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isaaq Carra-Case oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa wuxuu sheegay in cudurkaan uu yahay mid aan horay loogu arag Gobalka Baay.

Isaga oo tilmaam ka bixinaya sida lagu dareemayo cudurkaan iyo qofka sida uu noqonayo, ayaa wuxuu sheegay in marka hore qofka uu dareemayo Qandho aad ukulul,kadibna ay xigto in beerka uu bararo oo labada garbood ay yaraadaan.

 
Intaasi Kadib wuxuu sheegay inay adag tahay sida qofkaasi uu ku noolaado, maadaama bararka beerka uu noqonayo mid weyn oo qofka jirkiisa dhan wada saameynaya, durbana qofkaasi uu geeriyoonayo.

Bishii aan soo dhaafnay ee March ayaa cudurkaan aan la aqoon deegaano hoostaga Degmada Bardaale waxaa ugu geeriyooday dad gaaraya 14-ruux oo haween iyo rag isugu jira.

Bishan Apriil ee aan iminka ku jirno ayaa sidoo kale geerida dadka waxa ay maraysa
6-ruux, taasi oo wadarta guud ee dadka cudurkaan ugeeriyooday ka dhigaysa 20-ruux.

Wuxuu uqeylo dhaamiyay Guddoomiyaha Degmada Bardaale Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Samafalka dalka ka shaqeeya, waxaana uu ka codsaday inay gar-gaar dhanka caafimaadka ah lasoo gaaraan Degmada Bardaale.

Waa markii ugu horeysay oo cudur noocaan ah laga soo sheego Gobalka Baay
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip