Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne C/qaadir Carab oo maanta xilkiisa la wareegay (Sawirro)‏

0
Tuesday April 15, 2014 - 19:03:32 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne C/qaadir Carab oo maanta xilkiisa la wareegay (Sawirro)‏

    Munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne ayaa maanta ka dhacday xarunta degmadaas, iyadoo munaasabada ay ka qeyb galeen Gudoonka Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada, bulshada degmada iyo guddoomiyaha ururka dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne ayaa maanta ka dhacday xarunta degmadaas, iyadoo munaasabada ay ka qeyb galeen Gudoonka Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada, bulshada degmada iyo guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada xamarweyne marti sharaf.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Maxamed Bin Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Xamar weyne ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan maamulka cusub ee degmada, isagoo ku amaanay maamulkii hore waxqabadka uu sameeyay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar weyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, oo ay ka mid yihiin dib u dhiska kawaanka hilibka, kawaanka Kalluunka, dayactirka Masjidka Xaaji Cali, sameynta tirikoobka dadweynaha ku dhaqan degmada iyo waxyaabo kale.

Mr Gardhuub ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay is bedelka socda, waxaana uu balan qaaday inuu la shaqeyn doono maamulka cusub.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in uu marka hore uga mahadcelinayo maamulkii isaga ka horeeyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo ka hadlay qorshayaasha uu hiigsan doono oo ay ugu horeyso xoojinta amniga, ka shaqeynta horumarinta adeegyada bulshada, waxaana u shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Gudoomiye Cabdiqaadir ayaa ka digay in hub lagu dhex sito goobaha shacabka, waxaana uu intaa raaciyay in maalmaha soo socda degmada laga dareemi doono isbadal dhinac walbo leh.

Afhayeenka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir Maxamed Sheekh Cilmi oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa kula dar daarmay guddoomiyaha cusub in uu noqdo mid qaata talada dadka ay kala dhexeyso.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne ayaa noqonaya qofkii u horeeyay ee ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga oo muddo 23-sano ah loo magacaabo xilkaas, iyadoo arrintan ay tahay mid baalka u fureyso mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Bulshada degmada ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddoonka cusub ee degmada oo ay ku tilmaameen in uu yahay aqoon yahan ka soo jeeda degmada, ayna ka rajeynayaan in uu la yimaado wax qabad muuqdo.


 

w.d dr.ali omar abati binfaghi

guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada xamarweyne

email dr.abatialfaghi@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip