Ciyaaryahan Bale oo Wareysi yaab leh bixiyay Goolkiisa Taariikhiga kadib

0
Friday April 18, 2014 - 14:53:29 in Sports by Web Admin
  • Visits: 11497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Bale oo Wareysi yaab leh bixiyay Goolkiisa Taariikhiga kadib

    Kadib goolkii cajiibka ahaa ee uu Bale ka dhaliyay Barcelona ciyaartii Finalka Copa Delrey, ayaa waxaa wareysi dheer la yeeshayALVARO DE LA ROSA, oo ah wariye katirsan Jariirada sida aadka ah Real u taageerta ee AS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib goolkii cajiibka ahaa ee uu Bale ka dhaliyay Barcelona ciyaartii Finalka Copa Delrey, ayaa waxaa wareysi dheer la yeeshayALVARO DE LA ROSA, oo ah wariye katirsan Jariirada sida aadka ah Real u taageerta ee AS.


Waxaad ahayd xidigii Finalka Copa Delrey, kadib Goolkaadii cajiibka ahaa. sideed ku awooday inaad masaafo intaas dhan inta ku orodid Gool ku dhaliso?

Bale: xili aan sidaas usii dheereyn Gool kan lamid ah waxaan u dhaliyay xulkeyga Wales, waxaan ku orday Xariijinta Garoonka, Batra waxa uu isku dayay inuu garoonka iga saaro oo uu i riixo, laakiin si dhaqso leh ayaan kusoo laabtay waxaana isha ku haayay kubada, waxaan gadaal u fiiriyay isaga waxaana sii watay Kubada ilaa aan Goolka ka dhaliyo.

Waxa uu ahaa Goolkii ugu horeeyay ee kuu saamaxay inaad Realmadrid Koob kula guuleysato..

Waxaan ku suganahay xaalad aan la rumeysan karin, waana koobkii iigu horeeyay ee aan Real kula guuleysto, waxaan rajeeynaa inaan koobab badan la qaadi doono, waxa ay ahayd la yaab inaan Goolkaas dhaliyo, Inaad Garaacdo Barcelona Koobna ka qaado xaqiiqdi waa waxaan aad ugu farxo, waxaana kalsooni ku qabaa in xili ciyaareedkaan aan waxyaabo badan sameyn doono.

Finalka Copa Delrey siduu kuu ahaa adiga?.

Waxaan muujinay inaan nahay koox weyn, Goolkii Batra runti waxa uu nagu abuuray wal wal.

Ma dhihi karnaa Goolkii aad dhalisay waxa uu ahaa kii kuugu muhiimsanaa Noloshaada?

Haa…haa..waxa uu ahaa Goolkii nolosheyda intaan kubada kusoo jiray iigu muhiimsanaa.

Intii aad kubada kala sii carareysay Batra, maxaa qalbigaaga kujiray?

Majirin wax aan ku fikirayay,kaliya waxaa hubaa inaan hada faraxsanahay, waxaana ku rajo weynahay inaan waxyaabo badan ku guuleysan doono.

Ku guuleeysiga Copa delrey, maxay kaaga dhigantahay?

Sababta aan Realmadrid ku doortay waxay ahayd inaan Koobab ku guuleysto, taas ayaana iga dhigeysa qof faraxsan.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip