Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay Waxyaabo laga Shakiyay iyo Ninkii Watay

0
Sunday November 18, 2018 - 10:11:42 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay Waxyaabo laga Shakiyay iyo Ninkii Watay

    Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgalo ka sameeyeen Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir,iyagoo gacanta kusoo dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgalo ka sameeyeen Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir,iyagoo gacanta kusoo dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo.

Howlgalkan ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Xaafaddo ka tirsan Degmada Kaaraan,waxaana Ciidamada ay ku soo qabteen howlgalkaasi ruux ku howlanaa sameynta waxyaabaha qarxa iyo qalab Mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in Ciidamada amniga dowlada oo kaashanaya kuwa Saldhiga Booliska Degmada ay Xaafadda Nageyle baatitaano sameeyeen ku soo qabteen waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo iyo qalab Mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ruuxa Ciidamada ay soo qabteen uu ku xiran yahay Saldhiga Degmada Kaaraan ,iyadoona baaritaano ay ku socdaan.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa inta badan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxaa xiliyadii habeenkii ah ay ka sameeyaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip