Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursale‏

0
Tuesday April 22, 2014 - 12:21:23 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursale‏

    INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariist

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum C/casiis Isaaq Mursale oo maanta koox bistooladley ah ay ku toogteen.

Madaxweynaha ayaa yiri "Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum C/casiis Isaaq Mursale oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayey shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN."

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu markale ku nuuxnuuxsaday sida ay Dowladda uga go’antahay inay sii wado la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ah, mana loo hakinayo howlaha qaranka ee muhiimka u ah shacabka. Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka. Soomaali baa leh, waana ka gun gaareynaa kooxahan diidan nabadda iyo Soomaalinimada. 


DHAMAAD
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip