War qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu xusay iney dowlada Ingiriiska aad uga foojigantahay waalidiinta fasaxa Xagayga Caruurtooda wadaayo Afrika si ee usoo gudaan.
Joornaal ka soo baxa Irland laakiin aad looga aqristo Ingiriiska iyo caalamka ayaa daqiiqado ka hor soo qoray in Elaboorka Heathrow ee Ingiriiska lagu baarayo dad ay ka mid yihiin Soomaalida wata gabdhaha.
Dawlada Ingiriiska ayaa maantay bilowday hawshaan waxaana lagu bilaabay hooyo 38 jir ah oo wadata gabar 13 sano jir ah. Hooyada oo asalkeedu ka soo jeeda Sierra Lean ayaa haysata dhalashada Ingiriiska.
Sidoo kale war arintaan la xiriiro ayaa waxa laga sii daadiyay Tv-ga Afka dheer ee Soomaaliga, Univesal Tv ayaa isagoo soo xiganayo sarkaal Boolis Ingiriis ah ayaa sheegay inuu aad uga digayo talaabo walba oo caruurta lagu gudaayo.
English
The practice, which involves young girls’ genitals being cut and maimed, is most prevalent in Somalia, Sierra Leone and the Democratic Republic of the Congo.
http://www.thejournal.ie/woman-arrested-fgm-1457292-May2014/
Booliska Ingiriiska oo digniin dul dhigay Waalidiinta Caruurtooda Uwadaya Afrika (Warbixin)
War qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu xusay iney dowlada Ingiriiska aad uga foojigantahay waalidiinta fasaxa Xagayga Caruurtooda wadaayo Afrika si ee usoo gudaan.