Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Sh. Axmed oo ka tacisyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Baydhabo, diyaaradna u diraya dhaawaca‏

0
Tuesday May 13, 2014 - 00:00:11 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Sh. Axmed oo ka tacisyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Baydhabo, diyaaradna u diraya dhaawaca‏

    Muqdisho, May 12, 2014 — Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu R

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, May 12, 2014 — Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu Ra'iisul Wasaaruhu dhaawaca halista ah u dirayaa diyaarad ka soo qaadda magaalaada, waxayna xukuumaddu ka taageeraysaa maamulka maxalliga ah sidii uu arrinkan naxdinta leh u wajahi lahaa.

Isagoo qaraxa ka hadlaya waxa uu yiri Ra’iisul Wasaaruhu:

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaan Allah u weydiinayaa muwaadiniintaas ay gacanta ka xaqa daran dishay inuu naxariista Jannada ku soo dhoweeyo.

"Dadka dhaawaca ah waxaan Allah u weydiinayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxaan Baydhabo u diraynaa diyaarad soo qaadda dhaawaca halista ah si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeri ah.

"Waxaan dhaleeceeynayaa kuwa arxanka daran ee dhiigga Muslimiinta ku daadinaya fikrado gurracan oo shareecada ka baxsan. Arxan uma hayaan dadkeenna iyo dalkeenna waxaanan sii wadeeynaa dagaalka aan kula jirno nabad-diidkan dadka ku dhex jira illaa aan ka dhammeeyno dalkeena.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

"Falalka fuleynimada ah ee argagixisada waxay noqonayaan kuwo nagu guubaabiya in aan midowno, oo aan labalaabno beegsiga kuwa dembiga galaya,” ayuu yiri.

--Dhammaad—
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip