RW. Cabdiwali ayaa xalay kulan sagootin ah la qaatay Ciyaartooy Soomaaliyeed oo ka qayb galaya tartan caalami ah (Sawiro)

0
Tuesday May 20, 2014 - 10:54:20 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. Cabdiwali ayaa xalay kulan sagootin ah la qaatay Ciyaartooy Soomaaliyeed oo ka qayb galaya tartan caalami ah (Sawiro)

    Muqdisho, May 20.2014-----Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan sagootin ah la qaatay labo kamid ah ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galaya Ciyaaraha Fudud ee Africa oo dhawaan ka dhacaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, May 20.2014-----Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan sagootin ah la qaatay labo kamid ah ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galaya Ciyaaraha Fudud ee Africa oo dhawaan ka dhacaya magaalada Gaborone ee dalka Botiswana.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Khaalif Cumar ayaa si wadajir ah u sagootiyay Cayaartoyda waxaana ay u rajeeyeen guul inay kasoo hooyaan Cayaaraha ay ka qeyb galayaan.

Xoghayaha guud ee gudiga Olombikada Soomaaliya mudane Duran Axmed Faarax oo xaflada ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka dadaalka iyo dhiirgelinta ay u samaynayaan Ciyaartoyda Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale ka warbixiyay baahida kala duwan ee haysata waqtigaan Ciyaartoyda Soomaaliyeed.

"Mudane Ra’iisul Wasaare waan kaaga mahadcelinaynaa inaad sii dhawaysid kooxdan ka qeyb galaysa Cayaaraha Fudud ee Africa oo ka dhici doona magaalada Gaborone ee dalka Botswana oo bilaabanaya 21-ka bishaan, waan jeclaan lahayn inay intaan ka bataan Ciyaartoyda Soomaaliya u matalay, balse duruufaha ayaa noo saamixi waayey. Waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Axmed Xuseen Xasan iyo Maryan Nuux Muuse” ayuu yiri Xoghayaha guud ee gudiga Olombikada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar oo dhankiisa hadal ka jeediyay Xaflada ayaa ku ammaanay Gudiga Olombikada Soomaaliyeed sida ay u muujiyeena dadaalada dheeriga ah in booskii Soomaaliya ee banaanaa la buuxiyo, wuxuuna ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in gacan la siiyo Cayaartoyda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u mahadceliyay Gudiga Olombikada iyo Macalimiinta tababaray dhalinyarada ka qeyb galaya tartanka,

"Dhalinyaradaan waxay haystaan fursad ay meesha uga saari karaan kooxaha haleeyay magacii iyo qiimihii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa ku dhiiri galinayaa Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga in dhawaan la bilaabo tartankii Cayaaraha Gobollada dalka, si mar kale boor looga jafo ciyaarihii horseedka u ahaa is dhaxgalka bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo dhanka kalana xusay in dhalinyaradaan ay astaan u yihiin muuqaalkii iyo Calankii Soomaaliyeed isla markaana loo baahanyahay in gacan buuxda la siiyo, wuxuuna u .rajeeyey in ay guul ka soo hooyaan tartanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wada qorshe dib loogu abaabulayo dhalinyarada Soomaaliyeed si meesha looga saaro dhibaatooyinka ay dhalinyarada u geysanayaan kooxaha Nabad-diidka Al-shabaab.


---DHAMAAD---
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip