"Warsheekh" Furitaanka Masjidyada Sheekh C/raxman Sh: Cumar (Sh: Cabdi Celli) iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman (Sawiro)

0
Monday June 09, 2014 - 20:38:49 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3547
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 3 0
  • Share via Social Media

    "Warsheekh" Furitaanka Masjidyada Sheekh C/raxman Sh: Cumar (Sh: Cabdi Celli) iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman (Sawiro)

    Waxa maanta si rasmi ah loo furay Masjiyadi, Sheekha Cilmiga iyo Dariiqada Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celli) oo siweyn looga yaqaano caalamu islaamka gaar ahaan Soomaaliya iyo Sheekhi Dhaxlay ee curudkiisi ahaa Sheekh Maxamed Sheekh C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta si rasmi ah loo furay Masjiyadi, Sheekha Cilmiga iyo Dariiqada Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celli) oo siweyn looga yaqaano caalamu islaamka gaar ahaan Soomaaliya iyo Sheekhi Dhaxlay ee curudkiisi ahaa Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman oo xaruntooda tahay Degmada Qadiimiga ah kuna caan baxday fidinta Diinta Islaamka ee Warsheekh gobolka Shabeelada Dhexe.

Xafladi Furitaanka Masjidyadaani oo sidoo kale ku beegneed 10-Bisha shacbaan oo ah Qatinka Qur’aan Aqriski Sanadka ee Reer Sheekh C/raxman Celli, taasi oo siweyn uga soo qeybgaleen Culuma’udiinka Dariiqooyinka Ahlusunah Waljamaac, gaar ahaan Jameecaaadka reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.

Mudarasiinti, Mucalimiinti, Talaamiidi iyo dhamaan marti sharafka kale ee kasoo qeybgalay Furitaanka Masjiyada Mashaa’iqda ayaa waxa uduceeyay Qudubka Dariiqada Qaadiriya Sheekh Axmed Sheekh Aweys iyo Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh C/raxman , Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Ow Cumar.

Degmada Warsheekh oo astaan u ah fidinta Diinta islaamka ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ee halkaasi uga bilowdaan dhamaan astaamihi diiniga ahaa ee caanka ku aheed ee mudada dheer hakadka kujiray.



Naga Filo Sawiro Kale, goor dhow

Sawir Qaade:
 
Maxamuud Sheekh Axmed Yare 
               Iyo
C/raxman Sheekh Cali

Xafiiska Shabakada Warsheekh
Warsheekh-G/Sh/Dhexe
E-mail: warsheekh10@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip