Shaqaalaha magaalada ugu weyn dalka Brazil ee Sao Paulo ayaa hakiyay shaqo joojin ay sameyn lahaayeen maalinta furitaanka koobka ciyaaraha dunida oo dalkaasi lagu qabanayo.
Magaalada marti gelineysa xafladda furitaanka iyo kullanka ugu horeeyo ee ciyaaraha ayaa joojisay carqaladda la filayay ee ah shaqa joojinta.
Shaqaalaha ayaa dib u dhigay tallaabada ay qaadi lahaayeen, xilliga ay warkan dhiibayeen waxaa la socday 42 ka mid ah saaxiibadoodii shaqada horey looga tiray.
Magaalada labaad ee ugu weyn ee, Rio de Janeiro, qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha ayaa ku dhawaaqay 24 saac oo shaqa joojin ah taas oo bilaabaneysa saqda dhexe xilliga dalka Brazil, arrintaas oo micnaheedu yahay in tallaabada ay soconeyso furitaanka tartamada.
Dhanka kale, Madaxweynaha guddiga ciyaaraha dunida ee, Sepp Blatter, ayaa sheegay inuu doonayo in marshanaad loo doortay xafiiska.
Asigoo magaalada Sao Pualo ee dalka Brazil oo ay ka dheceyso xafladda lagu furayo cityaaraha, kula hadlaayay golaha congress ka ee FIFA, 78 sano jirkan waxa uu sheegay in howlgalka uu doonayo inuusan weli dhammaanin.
Mr Blatter waxa uu ballan qaaday inuu isasootaagayo dhammaadka xilligiisa afaraad ee xafiiska, iyadoo wafdiyada reer Yurub ay ugu baaqayaan inuu dhameysto xilligan oo keli ah kadib markii musuqmaasuq iyo fadeexad ay hareeyeen xafiiska guddiga FIFA.
Shir jaraa’id oo uu qabtay laguna baahiyay website-ka FIFA, ayaa Mr Blatter waxa uu ku sheegay inuu waxyaabo badan u ballan qaadayo xafiiska ciyaaraha dunida haddii markale la doorto.
(BBC)
Koobka aduunka oo maanta Furmaya
Shaqaalaha magaalada ugu weyn dalka Brazil ee Sao Paulo ayaa hakiyay shaqo joojin ay sameyn lahaayeen maalinta furitaanka koobka ciyaaraha dunida oo dalkaasi lagu qabanayo.