Ilaa dhowr Goobood oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaisku fara saaray kooxo bari la isku oran jiray waxa loogu yeero Muqaawmada ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
Dagaaladaan ayaa waxa ay ka dhaceen goobo ay ka mid tahay Xaafadaha Degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan halkaasi oo isku fara saareen Ciidamo lagu sheegay in ay ka amar qaataan C/llaahi macalin muqtaar oo kaalin libaaxleh ka cayaara Kooxda Ku hartay Magacii Maxaakimta ee katirsan Dowlada Midnimo Qaran iyo Koox kale oo iyadana lagu riixayo in ay xusul duub siyaasadeed leeyihiin Xisbul Islaam .
dgaalkaan oo runtii la ogeen qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay balse waxa daryanka madaafiicda iyo rasaasta la isweedaarsanayay waxa laga wada maqlay guud ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw deegaankaasi.
Dagaalkani oo ah kii ugu horeeyay ee dagaal intaa la eg isla galaan koox hal aabo wada lahaan jirtay ayaa waxa ay umuuqata in ay iminka tahay daah cusub oo rogmay kaasi oo dadka saadaaliya siyaasada soomaaliya kal hore sii saadaalinayeen.
Dhanka kale dagaal kale oo midkaan la mid ah ayaa waxa uu ku dhax maray deeganaka Gobolka sh/dhexe Ciidamo ka kala amar qaata Maxaakiimta iyo Alshabaab .
Dagaalkaan oo qudhiisa qasaaro geestay kaasi oo iminka aan si dhab ah loo heenin balse dagaalkaan ayaa waxa sababtiisa dusha loo saaray kooxda alshabaab sida ay qirayaan dadka deegaanka iyagoo ku macneeyay in weerar laba afla ah ay soo qaadeen kooxda alshabaab.
hadaba marka laga soo tago dagaalada foolka foolka ah oo aan Sabatiisa dib idinka soo sheegi doono ayaa hadana su'aasha wal walka badan ku abuurtay shacabka muqdisho waxa ay tahay waa kuma ? Ninka weeararka miinada la beegsaday Wasiirki arimaha Gudaha Ex , Sheekh C/qaadir walow shiikha sheegay in ay garanayaan qoladi geesatay Falkas balse waxa jirto in Kooxda Alshabaab laftiisa wili ku adkeesaneeso in dowladaani wax dhaamin tii C/llaahi Yuusuf .
Hadal heenta Shacabka Muqdisho oo maanta eheed qaraxi Miino ayaa dadka waxa ay isla dhax marayeen shiikha waxa loo weearary Wadadii Jahaadka jana doonka ahaay ayoo ka weecday isaga ayaana ku jihaadeena
Qaraxi Miino ee Lagula Beegsaday C/qaadir Cali Cumar Kadib Maxa Xigay ?
Kadib Qarax xoogan oo Miino ah oo maanta lala beegsaday Hogaamiyihi Muqaawamada Gudaha soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar balse oo ka bad baaday ayaa waxa laga dareemaya saan saan colaadeed oo laba jibaarsatay qaraxi kadib.