Brazil Oo U Soo Baxday Wareega 8da Koobka Adduunka Ka Dib Rigoore Ay Kaga Badiyeen Chile. (Sawiro)

0
Saturday June 28, 2014 - 23:37:00 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo U Soo Baxday Wareega 8da Koobka Adduunka Ka Dib Rigoore Ay Kaga Badiyeen Chile. (Sawiro)

    Brazil ayaa u soo baxday wareega 8da Koobka Adduunka ka dib markii 120 daqiiqo oo ay barbaro 1-1 isku dhaafi waayeen Chile ay rigoore 3-2 kaga badiyeen ka dib ciyaar adag oo dhexmartay labada xul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brazil ayaa u soo baxday wareega 8da Koobka Adduunka ka dib markii 120 daqiiqo oo ay barbaro 1-1 isku dhaafi waayeen Chile ay rigoore 3-2 kaga badiyeen ka dib ciyaar adag oo dhexmartay labada xul.


article-2671501-1F37BF9900000578-760_964x386

Xulka Brazil ayaa ciyaartaan ku soo gashay iyadoo kalsooni badan qabta madaama Koobka Adduunka ay martigelinayaan, laakiin waxa ay Chile kala kulmeen iska caabin xoog leh.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid hal dhinac ah iyadoo Brazil ay kubada inteeda badan heysatay, Brazil ayaana goolka ku hormartay daqiiqadii 18aad markii kubad uu si kama ah shabaqa ugu taabtay daafacooda David Luiz.

1403973000543_lc_galleryImage_BELO_HORIZONTE_BRAZIL_JUN1403972702436_lc_galleryImage_Brazil_s_players_celebrat

Iyadoo Brazil ay ku dadaali kartay inay hesho gool labaad ayaa waxaa fursad fiican heshay Chile markii Brazil ay sameeyeen qalad xun oo foori gacan ah, iyadoo kubada uu helay Vargas kaasoo u sii dhigay Alexis Sanchez oo isna hubiyay inuu dabamariyo goolhaye Julio Cesar.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah. Qeybtii labaad ayaase ay wax iska bedeleen ciyaarta, Chile ayaa bilowday inay kubad heysato iyadoo Brazil ay fursad u heshay inay shabaqa soo taabato markii Hulk uu kubad shabaqa cusjiyay laakiin waa laga diiday iyadoo calanwadaha uu taagay in Hulk uu kubada ku koontaroolay gacantiisa ka hor inta uusan dhalinin taasoo keentay in garsoore Howard Webb uu goolka diido.

1403974030864_lc_galleryImage_Chile_s_Alexis_Sanchez_fr1403973679502_lc_galleryImage_Chile_s_Alexis_Sanchez_ce

 

Chile ayaa iyadana qeybtii labaad heshay fursad kale oo dahabi ah laakiin waxaa si fantastik ah uga badbaadiyay goolhayaha xulka Chile, iyadoo Hulk isna fursad kale laga beeniyay isla qeybtii labaad.

Waxaana qeybtii labaad oo Chile ay ka yara fiicneyd Brazil ay ku soo dhamaatay isla barbaro 1-1 ah taasoo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah ciyaarta lagu darro si loogu kala saaro labada xul.

Chile ayay u ahyed markii ugu horeysay abid ee ay waqti dheeri ah ciyaaraan Koob Adduun, halka Brazil ay u aheyd markii 7aad ee ay waqti dheeri ah ciyaaraan kulan Koob Adduun ah.

1403976628439_lc_galleryImage_BELO_HORIZONTE_BRAZIL_JUN

30kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray ayaa aheyd mid adag iyadoo labada xulba ay ciyaarayeen kubad ku dhisan awood jireed, waxna kama aysan bedelin natiijada ciyaarta iyadoo Chile ay u soo dhawaatay inay ciyaarta hurdo u dirto daqiiqadii ugu danbeysay markii darbo xoogan oo uu goolka ku tuuray Panilla ay birta kore soo beenisay halka Ramires uu isna ku dhawaaday inuu Brazil shabaqa u soo taabto.

Waxaana 12okii daqiiqo ee la ciyaaray ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana la isla aaday rigoore. Brazil ayaana 3-2 ku badisay waxaana ay u soo baxeen wareega 8da ka dib ciyaar adag oo ay Chile kala kulmeen kuwaasoo nasiibka uu saacidi waayay.

Brazil waxaa gool ku laadyada u saxiixay David Luiz, Marcelo, Neymar iyadoo goolhaye Julio Cesar uu rigoore ka badbaadiyay Panilla oo ahaa xiddigii sidoo kale ay ka qasaartay darbadii waqtiga dhimashada ee ciyaarta iyo Alexis Sanchez oo isna rigoore sahlan laga badbaadiyay, iyadoo Jara isna ka qasaariyay rigoore taasoo looga badiyay Chile aakiin Willian ayaa isna rigoore ka qasaariyay Brazil markii uu si xun banaanka u mariyay kubada iyo Hulk oo isna rigooradiisa badbaadiyay goolhaye Bravo. Chile waxaa u saxiixay Aranguiz, Dias.

(Daawo Sawiro By Mobile)

Laacib.net


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip