Xassanow: Xog mooge Xaajo waa dilaa

0
Monday July 07, 2014 - 13:19:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xassanow: Xog mooge Xaajo waa dilaa

    R/wasaaraha C/weli waxuu ku fashilamay fulinta iyo soo celinta nabada dalka,waxuu safar ku tagay magaalada Kismaayo waxuuna dhiirogeliyay maamulka Jubb iyada oo la ogyahay in Axmed Madoobe diiday dhaqangelinta heshiiskii Ethiopia ,C/weli waxaa uu taa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha C/weli waxuu ku fashilamay fulinta iyo soo celinta nabada dalka,waxuu safar ku tagay magaalada Kismaayo waxuuna dhiirogeliyay maamulka Jubb iyada oo la ogyahay in Axmed Madoobe diiday dhaqangelinta heshiiskii Ethiopia ,C/weli waxaa uu taageeray maamulkii diidanaa fulinta heshiiskii dowlada federaalka iyo maamulka ku gaaray Ethiopia kaas oo sheegayay in xaqa maamulka yeelanayo iyo waxa lagu yeelanaayo,waxaa uu meesha ka saaray C/weli in maamulka uusan xalaal aheeyn marba haddii aanan la qaban dib u heshiisiin qabiilada degaa goboladaasi,C/weli waxaa uu afduubay gobolo isdiidan kuna magaacabay 3 da maamul goboleed oo magaalo madax looga dhigay Bay iyada oo la ogyahay in qilaafka ka dhexjiraa 6 gobol iyo kan seddeda gobol uu salka ku hayo arimaha Jubba,sabbabta oo ah qowmiyada Digil iyo Mirif waxaa aay degaan ahaan ku badan yihiin Jubba


marka laga soo tago G.Bay iyo Bakool,waxaad moodaa in leeysku sifeeynaayo Hawiye iyo Digil iyo Mirif waana mida uu hada ku guuleeystay Juulka,weli waxaaa la sugayaa in dowlada federaalka soo magacaawdo wasiirka Aminga qaranaka sow lama dhihi karo fashilka Qaranka waxuu salka ku haya haykalka wasaarada Aminga oo cida qabataa aay xiriir dhaw la yeelato kuwa nabada diida,intaba waxaa masuuliyadeeda leh r/wasaaraha oo u muuqda nin aanan laheeyn waayo aragnimo ku filin xaga dowladnimada lehne ujeed qarsoon oo maldahan qabyaaladeed,sida oo kale Madaxweeynaha oo aanan ogeeyn halka wax maraayaan iyo sida aay howsha u socoto,runtii ma laha goáan adag balse waxuu ku meermeersanayaa kooxdii fududeeysay in uu noqdo madaxweeyne Somali,waxaa dhab ah in Xassan Sheekh uusan hawiye iyo Mudulood midna uusan ku imaan rabitaankooda balse uu ku yimid awooda koox xagjir ah oo la mid ah kuwa dalka isku haysto,waxuu xiriir-dhaw la lee-yahay kuwa aanan dowladnimada jecleen in aay soo iftiinto balse ku naaxay kana sameeystay dhaqaale faro badan dagaalkii sokeeye dhexdiisa ( War profiteering ) Xasaan waxaa uu la soo shaqeeyay UNICEF xiligii dagaalka sokeeye halkaas ayuu kaga faaiideeystay in uu abuuro macadka SIMAD 1999,macadka waxaa uu biliqeeystay degsigii hoose dhexe ee Gaheeyr ee degmada Xamar Jab Jab welina waxaa ku shaqeeya maafiyadii uu abuuray madaxweeyne Xassan.

Sida aad ka aragtaan dhamaan jaamacadaha ku yaala Muqdisho waxeey xoog ku haystaan xarumihii waxbarashada sida jaamacadii umada Somali iwm waxaa aay haysteen laga bilaabo 1991 ilaa iyo manta,akhristow dib u fiiri jaamacad-walba oo Muqdisho ku taal iyo cida iska leh dhismaha jaamacada ??

Dalka waxaa uu gacanta u galay koox ujeedkooda yahay in aay ka lagacgeeystaan gumeeystahana ku gacan siiyaan in dalka loo kala qeeybiyo mandaqado yar yar,Xassan Sheekh waxuu galaya taariikhda Somlia waana ninkii ugu horeeyay ee xilka ugu sareeya haya ogolaaday in seddex gobol oo aana is qaadi Karin is raaciyay,Degmada Afgooye magaca waxaa bixiyay Suldaankii Wacdaan 1893xiligaas oo uu ka qaadan jiray ajuuro qabiiladii qodatada ahaa ee dhulka ku noqday doonfuulka,markii aay taariikhda ayeeyd 1893 ayaa qabiiladii diiday in aay bixiyaan ajuurada waxeeyna ku andacoodeen in aay sameeysteen Suldaan la siman Suldaanka Wacdaan halkaas ayaa Suldaankii Wacdaan ku dhahay Afkeeyga maad gooneeysiin ( Afgooye ) dhulka waxaa degenaa oo saldanad ku ahaa laba Suldaan mardanbe ayaa waxaa abuurmay Suldaankii seddexaad waxeeyna kala ahaayeen Suldaankii Wacdaan.Suldaankii Biyomaal iyo Suldaankkii Galedi oo ahaa kii ugu danbeeyay.Xassan Sheekh taariikhdaas ayuu burburiyay waxuuna dhulkaa u ogolaaday Mirf oo aanan degeneen xaqiiqdii,dad waa la helaa dhulse lama helo,dhulkaa Sh/hoose lama raacin karo Bay iyo Bakool waayo isku taariikh maaha dadka wada degaane isku xirfad maaha,Xassan waxaa uu ogolaaday in ragii ka yimid walwaal iyo wardheer la siiyo Jubba, C/weli Gaasna markii la weeydiiyay sabbabta uu laba wasirr ugu daray dowlada goboleedka Puntland iyada oo la ogyahay in Isamadooda aayan dhulka wax ku laheeyn waxuu ku jawaabay waxaan ugu daray golaha wasiirda waxaan isku nahay isirwadaag,halkaas ayeey Somali mareeysaa,waxaa bilawday in Jubbaland iyo Puntland isku arkeen durbaba Daaroodland sida aay wax ku socdaan. Alow sahal umuuraha

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip