Maamulka Degmada Dharkeynley Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dilaa Ah + Sawirro

0
Tuesday February 28, 2017 - 21:49:40 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 2065
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Degmada Dharkeynley Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dilaa Ah + Sawirro

    Maamulka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta gudaha degmadaasi kusoo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka dambeeyay dilka Allaha u Naxariistee Cabdiqaadir Qaasim Mursal oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta gudaha degmadaasi kusoo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka dambeeyay dilka Allaha u Naxariistee Cabdiqaadir Qaasim Mursal oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa dowladdii C/qaasim Salaad Xasan.

Ninkaan da’ahaan lagu qiyaasay 27-sano jir oo magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Abuukar ayaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay gudaha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir saacadihii aynu soo dhaafnay.

Maamulka Degmada Dharkeynley ayaa sheegay in loo gacan galin doono shaqsigaan ka dambeeyay dilka Allaha u Naxariistee C/qaadir Qaasim Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu fuliso xukun.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip