Kacdoon Shacab oo ka dilaacay Islii kadib marki Ciidamada Amaanka ee Isbitaal kala baxeen Hooyo Soomaaliyeed oo Umul Ah.

0
Friday April 18, 2014 - 15:49:49 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoon Shacab oo ka dilaacay Islii kadib marki Ciidamada Amaanka ee Isbitaal kala baxeen Hooyo Soomaaliyeed oo Umul Ah.

    Banaanbaxyo rabshado wata ayaa goor dhaw ka bilowday Xaafada Islii gaar ahaan wadada 9th Street ee magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa goor dhaw ka bilowday Xaafada Islii gaar ahaan wadada 9th Street ee magaalada Nairobi.


Banaanbaxayaasha oo ubadan Soomaali ayaa ah kuwa iskood isu soo abaabulay kana carooday fal ciidamada amaanka Kenya ee maanta kula kaceen hooyo Soomaaliyeed oo daqiiqado kahor ku umushay Isbitaalka Madiino ee Xaafada islii taasi oo ciidamada amaanka ee saareen gawaarida qufulan.

Hooyada Soomaalida ee maanta la qafaalay ayaa aheed Umul daqiiqado kahor ku umushay Isbitaalka Madiina hasa yeeshe ciidamada dowlada Kenya oo baryahaan howlgal raaf ah ka waday gudaha xaafada Islii ayaa waxey galeen gudaha isbitaalka iyadoo wararka sheegayaan in ciidamada ee halkaasi kasoo kaxeeyeen hooyadi Umasha aheed kadibna ee saareen Gaariga ciidamada ee loo yaqaano Looriga, wallow wararka intaa ku darayaan in baryo badan kadib ciidamada ee ogolaadeen iney ka tagaan Canugi yaraa ee hooyadi dhashay.

Falkaasi kadib ayaa waxa mar qura kacay dareenka shacabka Soomaalida iyo tira yar oo qowmiyadaha kale kuwaasi oo banaanbax rabshada wata durba abaabulay.

"Banaanbaxayaasha waxey kuqeelinayeen erayo lidi ku ah ciidamada dowlada waxeyna dhagxaan kutuureen gawaarida ciidamada oo ee ka buuxaan ciidamo aad uhuubeesan”, ayuu yiri goob jooge kusugan xaafada Islii oo la hadlay Shabakada Warsheekh.

Maanta oo jimco ah ayaa waxa Dukashada Salaada Qudbada Jimcaha kadib lagu soo daadiyay gudaha xaafada Islii ciidamo hor leh kuwaasi oo la sheegay in tababar loo soo xiray eena qeyb ka noqonayaan raafka kasocda Xaafada Islii.

Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena Danbe

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip