Qaramada Midoobay oo shaacisay sida lagu soo celin karo Nabadda Soomaaliya + Sawirro

0
Monday September 08, 2014 - 18:35:19 in Wararka by
  • Visits: 2176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo shaacisay sida lagu soo celin karo Nabadda Soomaaliya + Sawirro

    Xafiiska Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya ayaa sheegay horumarinta isboortiga Soomaaliya inuu qeyb weyn ka yahay soo celinta nabada iyo kala dambayntii luntay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya ayaa sheegay horumarinta isboortiga Soomaaliya inuu qeyb weyn ka yahay soo celinta nabada iyo kala dambayntii luntay.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya ayaa sheegay horumarinta isboortiga Soomaaliya inuu qeyb weyn ka yahay soo celinta nabada iyo kala dambayntii luntay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sidaasi sheegay xilli uu markii ugu horeysay ka qeyb galayay ciyaar lagu maamuusayay maalinta nabada aduunka oo lagu qabtay stadium Banaadir ee muqdisho.

Nicholas Kay ayaa ciyaarta kahor carabka ku adkeeyay muhiimada nabada Soomaaliya iyo dhammaan dunida.

" Waxaa farxad weyn ii ah inaan maanta halkaan idin la joogo, Xaqiiqadii tani waa mid kamid ah maalmahayga ugu farxada weyn gudaha Soomaaliya. Inaan imaado halkaan oo aan arko dhallinyaro kubadda cagta ku ciyaaraysa Muqdisho waxay ii tahay wax gaar ah, 21 septemberna waa maalinta nabada aduunka, koobka ay dheelayaana waa koobka nabada.

" Soomaaliya waa wadan ay ka bilaabmayso farxad nabadeed waxayna u baahan tahay nabad badan. sidaasi daraadeed waxaan helidoonaa nabada farxadleh,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyaradu yihiin xooga nabada iyo tiirarka mustaqbalka Soomaaliya.

" Ujeedada labaad ee aan halkaan ujoogno waxay tahay, waxaan ahay nin da’ ah waa inaan la dabaal dagaa dhallinyarada. Soomaaliya70% waa dhalinyaro, dhalintu waa mustaqbalka Soomaaliya halkaana waxaan unimid inaan idinla dabaal dagno , sidaa daraateed waa yeelankarnaa nabad farxadleh.






Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip