RW Cabdiwali: "Markasta oo la wiiqo awooda argagaxisada, waxay fuliyaan weeraro shacabka lagu gumaadayo"

0
Tuesday September 09, 2014 - 07:56:22 in Wararka by
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Cabdiwali: "Markasta oo la wiiqo awooda argagaxisada, waxay fuliyaan weeraro shacabka lagu gumaadayo"

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab maanta ka fulisay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dila

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab maanta ka fulisay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo waxba galabsan kuwa kalana lagu dhaawacay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab maanta ka fulisay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo waxba galabsan kuwa kalana lagu dhaawacay.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu si adag u cambaareynayo falka, isagoo ku tilmaamay mid waxashnimo ah. Wuxuuna tacsi u diray ehelkii dadkii ku dhintay falkaas, kuwii ku dhaawacmayna wuxuu alle uga baryay in uu caafimaad siiyo.

"Waxaan weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan kana hortagaan argagaxisada, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad iyo heshiis," ayuu yiri R.W C/weli isagoo intaas ku daray: "Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaas."

"Weerarkani wuxuu daliil u yahay inay quus taagan yihiin argaggixisadu, kuwaas oo waayey dhammaan meelihii ay awoodda ku lahaayeen. Wuxuuna yimid kadib markii aan kaga guulaysanay nabad diidka goobaha dagaalka, sidoo kalana aanu dilnay hoggaamiyahoodii, mar walba oo la wiiqo awoodooda waxay bilaabaan inay beegsadaan shacab aan waxba geysan. Hore ayaannu u soconnaa, " ayuu yiri. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniin la xiriirta weeraro fulaynimo oo kooxaha Nabad-diidku ka geystaan dalka, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsan karaan laamaha dowladda iyo dadka shacabka ah maadaama uu gaaray jab-xooggan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip