Odayaal dhaqameed Soomaaliyeed oo maanta dood cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho + Sawirro

0
Thursday September 18, 2014 - 14:38:28 in Wararka by
  • Visits: 1788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaal dhaqameed Soomaaliyeed oo maanta dood cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho + Sawirro

    Dood cilmiyeed looga hadlayay taageerida horumarka dowladda, si ay looga guuleysto Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo doodan ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameedyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dood cilmiyeed looga hadlayay taageerida horumarka dowladda, si ay looga guuleysto Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo doodan ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameedyo.
Dood cilmiyeed looga hadlayay taageerida horumarka dowladda, si ay looga guuleysto Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo doodan ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameedyo.

Doodan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda Wada Hadalka Bulshada ayaa waxaa lagu falan qeeyay sida lagama maarmanka ay u tahay in dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab uga faa'ideysan lahaayeen cafiska dowladda u fidisay iyo taageerida horumarka dowladda.

Ugu horeyn waxaa dood cilmiyeedkan ka hadlay Suldaan C/llaahi Cabdulle Wehliye oo uga mahad celiyay Hey'adda CCD oo ay u qabato barnaamijyo wax ku ool u ah bulshada, isla markaana wax badan isku weydaarsadaan.

Suldaan C/llaahi Cabdulle Wehliye ayaa sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay in la jiheeyo, si aan loo marin habaabin, isla markaana la wacyi geliyo.

"Fikirka maanta dal iyo dibad baabi'iyay waa xagjirnimo diineed, dhalinyarada waa in laga bad baadiyaa fikirkaas qaldan, lagana dhaadhiciyo in dadka fikirkaas qaatay inay lunsan yihiin, waxaa loo baahan yahay marka in dhalinyarada la jiheeyo, muhiimada koowaad la siiyo wacyi gelin xaga diinta ah, culimadana ay qaataan doorkooda"ayuu yiri Suldaan C/llaahi Cabdulle Wehliye.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayo inay dhalinyarada u sameyso xerooyin, lana siiyo waxbarasho, hadii ay tahay mid gudaha iyo mid dibada ah, isla markaana shaqooyin loo abuuro.

Nabadoon Macalin Maxamuud Cali ayaa sheegay in marka hore loo bahan yahay in la is baraarujiyo, wixii alle faray mooyee, wax kale laga fogaado, si umada loogu sheego wax sax ah.

Waxaa uu sheegay in odayaasha ay door weyn ka qaadan karaan, sidii dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab looga soo saari lahaa, si ay dib ugu soo laabtaan qoysaskooda iyo bulshadooda.

"Marka hore waxaa muhiim ah in odayaasha dhaqanka iyo dowladda isku xirmaan, si ay uga wada qeyb qaataan in dhalinyarada maanta la lumiyay ee wadada qaldan ku socda in la soo celiyo, qof rabitaankiisa cid celin karta ma jirto laakiin wacyi gelin buuxda ayaa loo baahan yahay"ayuu yiri Macalin Maxamuud Cali.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Maxamuud Sahal (Shido) ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan guulaha ay soo hoyeen ciidamada qalabka sida, isla markaana dalka loogu soo celiyo nabad iyo xasilooni.

"Horumarka dowladda iyo guulaha ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen howl galada socda waa taageereynaa, in dalkaan amni noqdo, kala dambeyntii soo laabato ayaa taageereynaa, sidoo kale geeridii hogaamiyihii Shabaab Godane oo ahaa nin umada dhib badan u geystay, dambi ka galay, maatada gumaaday, waxay horseedi kartaa in kooxdaas bur burto"ayuu yiri Abwaan Shido.

Nabadoon C/llaahi Faarax Xeyle ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay qaataan doorkooda sidii umada u bad baadin lahaayeen, ayna ka shaqeeyaan masaaliixda umada.

Sidoo kale Nabadoon Nuur Salaad ayaa nasiib daro ku tilmaamay inay jiraan odayaal wali taageersan fikirka Al-Shabaab, isla markaana ku qanacsan inay ficilada ay fulinayaan.

"Waxaa nasiib daro ah in maanta nin oday ah oo waayo arag ah inuu taageersan yahay fikirkaas guracan, waa og yihiin ficilada beenta ah waxa ku sugan abkooda iyo adoogooda ma soo marin dad bani'aadam ah la iska gowracayo inay fikirka noocaas qaatana waa nasiib daro inteeda la eg aaqiradooda iyo aduunkooda kama fikirin"ayuu yiri Nuur Salaad.

Ugu dambeyn Abwaan C/llaahi Salaad Axmed Gabeyr oo ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ka faa'ideystaan cafiska dowladda u fidisay ee 45-cisho, isla markaana wadada qaldan ee ay ku socdaan ka soo laabtaan.

"Waxaa leeyahay dhalinyarada la qalday ka faa'ideysta 45 cisho ee cafiska dowladda u fidisay shalay hadaa wado qaldan marteen, maanta waa ka soo noqon kartaa wax ku diidaya ma jiraan ceebna ma ahan"ayuu yiri Abwaan C/llaahi Salaad Axmed.











Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip