Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ganaaxyo dul dhigay masuuliyiin iyo kooxo

0
Saturday September 20, 2014 - 12:17:10 in Sports by
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ganaaxyo dul dhigay masuuliyiin iyo kooxo

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta soo saaray wareegtooyin kala duwan oo xambaarsan ganaaxyo la dul dhigay lix ka mid ah maamullada kooxaha dalka, sidoo kale waxa la ganaaxay kooxaha Gaadiidka iyo Jeenyo United iyo Dekedda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta soo saaray wareegtooyin kala duwan oo xambaarsan ganaaxyo la dul dhigay lix ka mid ah maamullada kooxaha dalka, sidoo kale waxa la ganaaxay kooxaha Gaadiidka iyo Jeenyo United iyo Dekedda.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta soo saaray wareegtooyin kala duwan oo xambaarsan ganaaxyo la dul dhigay lix ka mid ah maamullada kooxaha dalka, sidoo kale waxa la ganaaxay kooxaha Gaadiidka iyo Jeenyo United iyo Dekedda.

Go’aamadan ayaa waxaa lagu qaatay shir ay maanta isugu yimaadeen xubnaha guddiga aadaabta iyo dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay dadaallo lagu ilaalinayo habsami u socodka tartanka laguna dhaqan gelinayo qodobada u dagsan xeerka tartanka.

Kulanka kaddib ayaa ku simaha xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud waxaa uu soo saaray wareegtooyin ay ku cad yihiin noocyada ganaaxyada guddigu gaaray iyo shaqsiyaadka iyo kooxaha la dul-dhigay magacyadooda, waxaana ay kala yihiin sidan soo socota.

Jeenyo united iyo Gaadiidka Ganaax.

Haddaba. guddiga aadaabta iyo dishibiliinka SFF, markuu arkay, warbixinta Xeer-ilaaliyaha iyo Garsooraha, markuu tixgeliyey, qodobka 17-aad ee xeerka Tartammada, markuu tixgeliyey habsami u socodka Tartamada Kubadda Cagta.

Wuxuu go’aansaday:

In la baa’biyey dhibcihii ciyaartii dhexmartay M/N. 53 – Taariikhda 04/04/2014 - Gaadiidka vs LL.PP.

Kooxda LL. PP. waxaa la ganaaxay lacag dhan $ 500, kaddib markii ay sii daysay kooxda Gaadiidka.

Kooxda Gaadiidka waxaa la ganaaxay $300, kaddib markii la sii daayey.

Kooxda LL. PP. waxaa laga jaray 6 dhibcood isla horyaalkii, 2013/2014 kaddib markii ay sii daysay kooxda Gaadiidka.

Kooxda Gaadiidka waxaa laga jaray 3 dhibcaheeda isla horyaalkii 2013/2014.

Waxaa muddo 8 bilood ah laga ganaaxay maamulka iyo farsamada kubadda Cagta dalka xoghayaha kooxda Gaadiidka Md. Bile Maxamud Jimcale.

Sidoo kale waxaa isagana muddo 8 bilood ah laga ganaaxay maamulka iyo farsamada kubadda cagta dalka Guddoomiyaha Kooxda LL. PP. Md Jubba Ciise Jaamac.

Dekedda Gaxaan:
M/N. 55 - Date: 05/04/2014 Dekedda vs Elman

Haddaba. Guddiga aadaabta iyo dishibiliinka SFF, markuu arkay warbixinta Xeer-ilaaliyaha iyo Garsooraha, markuu tixgeliyey habsami u socodka Tartammada Kubadda Cagta.

Wuxuu go’aansaday:

Waxaa Kooxda Kubadda Cagta ee Dekedda la ganaaxay $ 1’000, kaddib markii ay imaan waayeen ciyaarta kor ku xusan.

Kooxda Dekedda waxaa laga jari doonaa 3 dhibcaheeda horyaalka 2014/2015.
In Mas’uuliyiinta Kooxda Dekedda oo kala ah:

C/llaahi Siyaad Maxamed

C/llaahi Bashiir Nuur

C/raxmaan Ismaciil Maxamed

Cali C/raxmaan (Cali Deeq)

Waxaa la ganaaxay muddo hal sano ah, laga bilaabo taariikhda ay warqaddan soo baxday.

NB: Sidoo kale ganaaxan wax racfaan lagama qaadan karo

Sidaas darteed, waxaa Maamulka kooxaha lagula dardaarmayaa in ay ilaaliyaan xeerarka iyo habsami u socodka Tartammada.

- Mahadsanidiin -

Waxaa dhammaan wareegtooyinkan ku saxiixnaa ku simaha xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Xasan Maxamed Maxamuud.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip