Samatha Lewthwaite oo Soomaaliya lagu ogaa ayaa ku biirtay ururka Daacish (Waa maxay shaqada ay qabato?!!)

0
Sunday September 28, 2014 - 10:48:46 in Wararka by
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samatha Lewthwaite oo Soomaaliya lagu ogaa ayaa ku biirtay ururka Daacish (Waa maxay shaqada ay qabato?!!)

    Warbixin dheer oo lagu qoray wargeys kasoo baxa dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Daily Star Sunday ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee Ingiriiska u dhalatay ee la yiraahmdo Samatha Lewthwaite oo la aaminsanaa inay Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin dheer oo lagu qoray wargeys kasoo baxa dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Daily Star Sunday ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee Ingiriiska u dhalatay ee la yiraahmdo Samatha Lewthwaite oo la aaminsanaa inay Soomaaliya joogta ayadoo ka bar bar dagaalamaysa Al-Shabab inay hadda ku biirtay ururka Daacish ee ka aas aasan wadamada Ciraaq iyo Syria.
Warbixin dheer oo lagu qoray wargeys kasoo baxa dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Daily Star Sunday ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee Ingiriiska u dhalatay ee la yiraahmdo Samatha Lewthwaite oo la aaminsanaa inay Soomaaliya joogta ayadoo ka bar bar dagaalamaysa Al-Shabab inay hadda ku biirtay ururka Daacish ee ka aas aasan wadamada Ciraaq iyo Syria.

Wargeyska oo soo xigtay ilo dhanka sirdoonka Ingiriiska ka tirsan ayaa waxaa lagu sheegay in Samatha Lewthwaite oo markii ugu war dambeysay ku sugnayd meel ka mid ah dalka Soomaaliya inay hadda ku sugan tahay dalka Syria halkaasoo shaqada ay ka qabato ay sirdoonku ku sheegeen tababarista dumar Daacish ka tirsan oo loo diyaarinayo inay is qarxiyaan.

Samatha Lewthwaite oo aan la ogeyn xilliga ay Soomaaliya ka baxday iyo meesha ay ka baxday ayaa hadda waxaa la leeyahay waxay kooxda Daacish u tababartaa dumar la doonayo inay geystaan falal is qaraxin ah sida lagu qoray wargeyska Daily Star Sunday.

"Waxaan cadaynayaa oo aan haynaa in Samatha Lewthwaite ay Soomaaliya ka tagtay haddana ay ka mid tahay ajaanibta ka midka ah ururka Daacish shaqada ay haysana waa tababarida dumar” sidaa waxaa yiri sargaal u hadlay hay’adaha amaanka Ingiriiska oo la hadlay wargeyska warbixintaan qoray.

Sargaalkaas waxaa uu sheegay inay si gaar ah u tababarto dumarka ka tagay Ingiriiska ee Daacish ku biiray.

Lewthwaite oo da’deeda lagu sheego 30 jir waxay hay’adaha amaanka dunnida ka tahay qofka koowaad ee la doonb doonayo waxaana lagu tilmaamaa haweeneyda ugu halista badan kooxaha argagixisada loogu yeero.

Dumarka ay is qarxinta u tababarto waxaa lagu sheegay in loo diyaarinayo inay weeraro ka geystaan Ciraaq, Syria iyo wadamo kale oo ku yaala qaaradda Africa sida laga soo xiganayo sirdoonka Ingiriiska.

Haweeneydaan sida weyn ay doon u doon doonayaan ciidamada amaanka dhawr wadan oo caalamka ah waxaa la aaminsanyahay inay Africa timid wixii ka dambeeyay sanadkii 2005 xilligaasoo saygeeydii uu isku qarxiyay magaalada London oo uu ku dilay in ka badan 50 ruux.

Dhaqan ahaan waxaa lagu sheegaaa inay tahay qof ku taqaqusay waji badalashada waxaana ay haysataa dhalashada dalka Koofur Africa oo ay ku qaadatay magac aan keeda aheyn.

Muddo ayaa la sheegaa inay ku nooleyd dalka Kenya gaar ahaan magaalo xeebeedka Mombasa waxaana ay Kenya kasoo tagtay markii la weeraray suuqa Westgate ee Nairobi ku yaala oo la sheego inay abaabulkiisaba laheyd.

Marna waxaa la sheegay inay booqasho ku tagtay mid ka mid ah xeryaha qaxootiga Soomaaliyeed ku nool yihiin ee ku yaala dalka Kenya ayadoo iska dhigaysa shaqsi ka socda hay’ad samafal.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa mar qoray in haweeneydaan ay ku nooleyd meel ka mid ah gobolka Bay ee koofurta Soomaaliya ayadoo uu guursaday mid ka mid ah hogaamiyaasha awooda ku dhex leh xarakadda Al-Shabab.

Xigasho Wargeyska Daily Star Sunday

W/Tarjumay Burhan Dini Farah

burhandiini@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip