Uhuru Kenyatta: "Waan Tegayaa Maxkamadda ICC"

0
Monday October 06, 2014 - 18:55:39 in Wararka by
  • Visits: 2471
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta: "Waan Tegayaa Maxkamadda ICC"

    Uhuru Kenyatta waxaa loo haystaa ilaa shan kiis oo la xiriira dembiyo ka dhan ah aadminimada. Waxaana lagu eedeynayaa inua gacan ka geystey abaabulka rabshadihii dhacay doorashadii lagu murmey ee Kenya sannadkii 2008.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuru Kenyatta waxaa loo haystaa ilaa shan kiis oo la xiriira dembiyo ka dhan ah aadminimada. Waxaana lagu eedeynayaa inua gacan ka geystey abaabulka rabshadihii dhacay doorashadii lagu murmey ee Kenya sannadkii 2008.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awoodda dalka si ku meel gaar ah ugu wareejinayo ku xigeenkiisa, inta uu dalka kaga maqan yahay dhegeysiga dacwad ka dhan ah oo uga furan Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada.

Uhuru Kenyatta waxaa loo haystaa ilaa shan kiis oo la xiriira dembiyo ka dhan ah aadminimada. Waxaana lagu eedeynayaa inua gacan ka geystey abaabulka rabshadihii dhacay doorashadii lagu murmey ee Kenya sannadkii 2008.

Isagoo magaalada Nairobi kula hadlayey baarlamanka, hoggaamiyaha Kenya waxaa uu sheegay inuu xishmeyn doono dalabka looga doonayo inuu maalinta Arbacada ku hortago xarunta maxkamadda ee The Hague, halkaas oo dacwadiisa lagu eegi doono.

Waxaa uu sheegay in inta uu dalka ka maqan yahay, ku xigeenkiisa William Ruto uu ahaan doono si hayaha jagada madaxweynaha.

Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale dacwad la xiriirta dembiyo ka dhan ah aadminimada soo oogtey Mr Ruto, kuwaas oo qeyb ka ah rabshadihii 2008-da.

Dhegeysiga dacwadda Mr. Kenyatta ayaa horey loo filayey inuu dhaco bishii February. Laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigey, iyadoo Dacwad Oogaha Guud ee ICC, Fatou Bensouda, ay sheegtay in dowladda Kenya aaney maxkamadda u gudbin dokumenti muhiim ah oo laga dalbadey.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip