Wasiirada Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay inuu howshiisa gabay (Arrimo xasaasi ah oo lagu eedeeyay)

0
Thursday October 09, 2014 - 11:09:39 in Wararka by
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay inuu howshiisa gabay (Arrimo xasaasi ah oo lagu eedeeyay)

    Waxa uu sheegay Xildhibaan Abshirow inuu Golaha Baarlamaanka hor dhigayo tacadiyada uu Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha kula kacayo naafada Soomaaliyeed, isagoona naafada u ballanqaaday inuu xaqooda meel saarayo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay Xildhibaan Abshirow inuu Golaha Baarlamaanka hor dhigayo tacadiyada uu Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha kula kacayo naafada Soomaaliyeed, isagoona naafada u ballanqaaday inuu xaqooda meel saarayo Golaha Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaan Abshirow oo ka tirsan guddiga Baarlamaanka u qaabilsan shaqaalaha rayidka ah ayaa sheegay in Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka ay kula xisaabtamayaan sida uu u dayacay shaqaalaha naafada rayidka ah.

"Waan la xisaabtameynaa Wasiirka shaqada oo meel iska dhigay xuquuqnada naafada" ayuu yiri Xildhibaan Abshirow oo sheegay in mustaqbalka naafada Soomaaliyeed ay dooranayaan cidda wax u qabatay ee xuquuqdooda u dooda.

Xildhibaan Abshirow waxa uu sheegay in guddigiisa uu ka shaqeynayo sidii Dowladda dhexe ay u caddeyn lahayd xuuqaha asaasiga ah ee ay ku leeyihiin nidaamka dowliga ah ee dalka ka jira, isagoona hoosta ka xariiqay in guddigiisu geed dheer iyo mid gaaban u korayo in naafada ay door muuqda ku lahaadaan hannaanka dowladnimo ee dalka ka jira.

Dhinaca kale Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Luqmaan Ismaaciil Maxamed ayaan isagu ilaa iyo iminka wax hadal ah ka soo saarin eedeyntaasi uu u jeediyay guddiga shaqaalaha rayidka ee Golaha baarlamaanka, iyadoo Wasiirka sidoo kale loo soo jeediyay inuu musuqmaasuqay shir caalami ah oo arrimaha shaqaalaha looga hadlayay kana dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip