Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo u ambabaxay Dalka Burundi

0
Wednesday October 15, 2014 - 10:25:18 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo u ambabaxay Dalka Burundi

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal shaqo oo ku tagay Puntland ayaa u ambabaxay dalka Burundi, halkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal shaqo oo ku tagay Puntland ayaa u ambabaxay dalka Burundi, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo masuuliyiin kale. Inta uu ku suganyahay dalka Burundi waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaas, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Cabdiweli Sheekh Axmed oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa yiri.

"Waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo ku tagay Puntland oo ujeedkiisuna ahaa si loogu kuurgalo xaaladda dalka, loolana tashado dadka laguna kaalmeeyo maamul dhis/dib-u-dhis iyo dhiiri-gelin federalaynta, Waxaan boganay safar-guuleed oo illaahay nagu nabad-yeelay anna kala kulanay natiijooyi wax tar leh. Ugu danbayntii, waxan kala saxiixanay heshiis nuxur leh oo iskaashi, wada-tashi iyo is-kaalmeysi ku dhisan”

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii kooxaha Argagixisadu ka gaysteen Maqaayadda Aromo Caffe. Wuxuuna geesta kale boggaadiyay guulaha is-daba jooga ah ee ay ciidamadda Xogga dalka iyo kuwa AMISOM ka gaareen howlgallada ka soconaya gobollada dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip