Maxaa hortaagan soo daabicidda lacagihii shilin Soomaaliga?!!

0
Saturday October 18, 2014 - 18:22:57 in Wararka by
  • Visits: 3216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa hortaagan soo daabicidda lacagihii shilin Soomaaliga?!!

    Wadan walba oo adduunka jira waxa uu leeyahay waxayaalo Astaan (symbol) u ah oo asaasiyaad u ah, sida calanka,, luqadda iyo lacagta uu isticmaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadan walba oo adduunka jira waxa uu leeyahay waxayaalo Astaan (symbol) u ah oo asaasiyaad u ah, sida calanka,, luqadda iyo lacagta uu isticmaalo.
Burburkii dowladdii dhexe kadib waxaa dalkeena soo wajahay jaahwareer fara baddan oo dhinac walba ah haddii ay noqoto xag siyaasad, dhaqaale iyo arimo bulshaba.

Haddaba tan maanta ugu daran oo dareenka ina galinaysa waa lacagtii shilin soomaaliga oo dalkii ka dhamaatay iyo iyadoo aanay jirin cid isku taxluujinaysa in ay soo daabacdo. Dalkii maanta min Raas kambiyooni illaa iyo Raas Caseyr waxaa laga isticmaalaa Dollar ($). Waa yaabee dalkeenu ma gobol marekanka ka tiirsan baa.

Arintan runtii waa arin dareenkeeda iska leh oo u baahan in si wadajir ah looga hadlo haddii kale waxaa inagu dhici doona aayatiin xumo iyo dalkoo awal waxaa naloo gumeysanayey siyaasad ahaan, mid dhaqaalana wey noogu darsoomeysaa. Fadlan hurdada haka kacaan aqoonyahanadeena, waxgaradkeena iyo qof walboo ay ku hartay wax uun uu dalkan u damqanayo.

Dhaqaalaha raggenii ku soo taqasusay bal fadlan noo iftiimiya dhibaatooyinka ay arintaan yeelan karto iyo sida hurdada looga kicin karo dowlad ku sheegan huruda. Alloow nabadbaadi adigaa na badbaadin karee.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip