TACSI: Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun (Geeri Culus)

0
Tuesday October 21, 2014 - 13:42:04 in Wararka by
  • Visits: 1977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TACSI: Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun (Geeri Culus)

    Anigoo magacooda ku hadlaaya Jaaliyadaha beel-weynta Mudulood ee ku kala nool dunida dacaladeeda, gaar ahaan waqooyiga Ameerika iyo Yurub (Europe), waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo badan leh, uga diraayaa ehelidii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo magacooda ku hadlaaya Jaaliyadaha beel-weynta Mudulood ee ku kala nool dunida dacaladeeda, gaar ahaan waqooyiga Ameerika iyo Yurub (Europe), waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo badan leh, uga diraayaa ehelidii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee Al Marxuun Nabaddoon Xaaji Axmed Hassan Afrax ( Awfuu) oo taariikhdu markey aheyd Oktoober 20, 2014-tiin ku geeriyooday wadanka Ingiriiska ( UK ).
Marxuumku, wuxuu aad caan uga ahay inta badan koofurta Soomaliya, gaar ahaan deegaanada ay degto beel-weynta Mudulood sida degmada Cadale oo uu ku dhashey isla markaasna uu muddo dheer ka ahaay Nabaddoon fir fircoon, Warsheekhna wuxuu ka ahaan jiray khaliif khaadumeeya, iyo caasimada Soomaliya ee muqdishu oo uu ka ahay akh-yaar guud.

 
Waxaan Ilahay uga baryayaa in uu Marxuumka ka waraabiyo Janatul Fardowsa eheladiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii iyo Culumaa'udiinka Soomaliyeed, qaasatan culumaa'udiinka reer Warsheekh uu ka siiyo samir iyo iimaan. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

 
Qore Abdulle Hassan Nurrow ( known Mohamed Dheerow}
Rochester, Minnesota (USA)

 
 
N.B. OGEYSIS
Waxaa la ogeysiinayaa Muslimiinta ku nool magaalada Rochester ee gobalka Minnesota in taariikhdu markey tahay Jimco Oktoober 24, 2014 Salaada Casir ilaa tan Maghrib in Masjidka Abuubakar Al Seddiq ee magaalada Rochester in insha'allaahi Marxuumka Qua'aan looga akhrin doono masjidkaas, sidaas awgeed, waxaa dhammaan maslimiinta reer Rochester laga codsanaayaa inay ka soo qeyb galaan Qua'aan akhriskaas.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip