Madaxweynaha: ''Maamulka cusub ee Galmudug waxaan uga fadhinaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka‏ (Sawiro)

0
Friday July 24, 2015 - 00:09:16 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Maamulka cusub ee Galmudug waxaan uga fadhinaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka‏ (Sawiro)

    Muqdisho, 23 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Cadaado kaga qeybgaley munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 23 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Cadaado kaga qeybgaley munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug.
Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa mar kale u hambalyeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo maamulkiisa, isagoo sheegay dhismahan maamulkan looga fadhiyo inuu daboolo baahida shacabka ku dhaqan gobollada dhexe.

‘’Mabda’a Dowladda Federaalka uu ku dhisan yahay ayaa ah nabad iyo dib u heshiisiin, maamulka Galmudugna, waxaan ka filayaa inay waddadaasi raacaan si aan inaguna u taageerno. Shacabku wuxuu u oomman yahay nabad iyo horumar, waana idin ku dhiirigelinayaa inaad ka shaqeysaan wanaagga iyo rabitaanka shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu ammaan u jeediyay kooxihii iyo shakhsiyaadkii kala duwanaa ee la yimid tanaasulka siyaasadeed ee ugu dambeyntii suurageliyey inuu najaxo dhismaha maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ugu baaqey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca inuu ku soo biro maamulka Galmudug, waxaana uu ku ammaaney doorkii iyo halgankii ay u soo galeen inay gobollada dhexe ka sifeeyaan kooxaha nabad-diidka ah.

"Ahlu Sunna doorkooda cidna ma dafiri karto. Mar walba waxay mudan yihiin in la soo dhoweeyo, wadahadalna lala furo. Si la mid ah maamullada kale ee ku meel gaarka ah ee waddanka laga dhisay oo qaarkood ay tabashooyin ka soo if-baxeen,ayaa maamulkani cusubna haddii ay tabashooyin jiraan, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadanno sidii loo xalin lahaa, horeyna loogu socon lahaa’’.

Munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka ku meel gaarka ee Galmudug ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin , mas’uuliyiinta dowladda qaarkood, madaxda maamullada gobollada qaarkood iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip