Lamaane iyagoo arooskooda la galbinaayo geeriyooday

0
Tuesday November 06, 2018 - 10:56:58 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lamaane iyagoo arooskooda la galbinaayo geeriyooday

    Lamaane da'yar oo reer Texas ah ayaa dhintay ka dib markii ay burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacaysay ee ka soo galbinaysay arooskooda habeennimadii Axadda, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lamaane da'yar oo reer Texas ah ayaa dhintay ka dib markii ay burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacaysay ee ka soo galbinaysay arooskooda habeennimadii Axadda, sida ay saraakiishu sheegeen.

Will Byler iyo Bailee Ackerman Byler ayaa ahaa arday dhiganayay jaamacadda Sam Houston State University, geeridooda waxaa markii u horraysay tabiyay wargeys ay ardaydu leeyihiin.

Shilka diyaaraddu wuxuu ka dhacay meel u dhaw Uvalde oo 135km u jirta galbeedka San Antonio.

Dadkii arooska ka qayb galay ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirradii ay arooska ku galeen oo ay tacsi soo raacinayaan.

"Aad baan uga xumahay!” ayuu qof saaxiib la ahaa ku soo qoray Facebook, wuxuuna intaas ku daray in uu sidoo kale dhintay duuliyihii diyaaradda".


Xigasho:-BBC 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip